X
    Categories: Warar

Vladimir Putin Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Taageerada Maraykanku Weydiistay Sheegayna In Aan Tallaabo Millatari Waxba Lagaga Qaadi Karin Woqooyiga Kuuriya

Araweelo News Network

Russian President Vladimir Putin speaks at a meeting with representatives of international news agencies on the sidelines of St. Petersburg International Economic Forum on June 1, 2017. (Photo by Reuters)

Moscow (ANN)- Madaxweynaha dalka Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa shaaciyey in aan dagaal iyo tallaabooyin millatari waxba laga qaadi karin waddanka Woqooyiga Kuuriya, isla markaanna aannu dalkaasi joojin doonin tijaabada hubka kala duwan ilaa inta uu ka dareemayo in ammnigiisa qaranku sugan yahay.

 

Madaxweyne Putin oo hadal ka jeediyey shir ka furmay dalka Shiinaha , waxa uu sheegay in cuno-qabayn lagu soo rogo iyo tallaabo millatari midna lagu xakamayn karin haliska Woqooyiga Kuuriya,.

Balse waxa  uu ku baaqay in xalka qudha yahay wadahadal nabadeed oo lala furo waddankan go’doonka kaga jira adduunka.

“Dalka Ruushku waxa uu cambaaraynayaa ficilada Woqooyiga Kuuriya, waxaanan aaminsanahay inay yihiin tallaabooyin daandaansi ah. Laakiin, dagaal millatari oo lagu qaado wax macno ah soo kordhin maayo, marka laga reebo inuu sababo masiibo adduunka oo dhan saamaysa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Ruushku.

 

Waxaannu intaas ku daray; “Ma jiro dariiq loo mari karo halista Woqooyiga Kuuriya oo aan ka ahayn hab nabadeed iyo wadahadal lagu raadiyo xalka dhibaatooyinka taagan.”

Madaxweyne Putin, ayaa sidoo kale cambaarayn xoogan u jeediyey waddanka Maraykanka oo uu xusay inay dawladda Ruushka ka dalbadeen taageero ka dhan ah Woqooyiga Kuuriya, waxaannu yidhi; “Waa wax aad loola yaabo oo waalli cas ah in xukuumadda Washington ay na waydiisato taageero ka dhan ah Woqooyiga Kuuriya, iyadoo ay cuno-qabatayn ku soo rogeen shirkadaha dalkayaga oo masuuliyiin Maraykan ah ku eedaynayaan inay ku xad-gudbeen cuno-qabaynta Kuuriyada Woqooyi, markaa waa wax lala yaabo oo doqoniimo ah inay sida Woqooyiga Kuuriya oo kale noola dhaqmaan, haddana ay taageero na weydiistaan… Ficilada noocan oo kale ahna waxa sameeyey dadka dalka Australiya ku qalda waddanka Austria.”

Dalka Ruushka oo xad la wadaaga waddanka Woqooyiga Kuuriya, ayaa la mawqif ah dalka Shiinaha oo isagu aaminsan in wadahadal lagu xalliyo khilaafka hubka nugliyeerka ee Woqooyiga Kuuriya, waxayna labadaas waddan ka soo horjeedaan tallaabooyin millatari oo ka dhan ah Kuuriya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post