X
    Categories: Warar

Ururka Xamaas Oo Digniin Culus u Diray Yuhuudda

Araweelo News Network

Ismail Haniyah

Qudus (ANN)- Ururka Xamaas ee Falastiin, ayaa digniin culus oo hanjabaad ah u diray dawladda Yuhuudda oo xayiraad ku soo rogtay in lagu cibaadaysto Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa ee ku yaal magaalada Qudus.
Dawladda Yuhuudda ayaa qaaday tallaabooyin lagu sheegay in ammaanka sare loogu qaadayo oo ciidammadeedu ay qalab lagu baadhayo dadka oo sheegaya wixii bir ah ee ay sitaan iyo kaantaroollo ay ciidammadu ka samaysteen waddooyinka taga masaajidka, iyadoo arrintanina timi kadib markii Jimcihii hore saddex rag Carab Israa’iiliyiin ahi rasaas ay ku fureen booliska Israa’iil ku dileen laba askari ka hor intii aan iyagana la toogan dhammaantood.
Mudaharaadyo rabshado wata oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socda agagaarka masjidka Al-Aqsa kadib waxa ururka Xamaas ku dhawaaqay inuu tallaabo adag oo jihaad ah qaadi doono.
“Cadowga Sahnuuniyada Yuhuudda waxaan si cad oo furan u leeyahay Masjidka Al-Aqsa iyo Qudus ay yihiin khad-cas (halkii Muslimku ka dagaalamayey),” sidaa waxa yidhi hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniya oo hadlayey Khamiistii shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxaan ku leeyahay cadowga siyaasaddiina xidhista iyo ciqaab-wadareedka ka dhanka ah dadka degan Qudus iyo haysashada dhulkayagu maaha mid aannu u dulqaadanayno.”
Dibad-baxyo Muslimiintu ka samaynayaan agagaarka masjidka Al-Aqsa oo ku baaqeen Ururrada Falastiiniyiinta ee Xamaas, Islaamik Jihad, Fatax iyo kuwo kale, ayaa keenay isku dhacyo dhexmaray ciidammada hubaysan ee Israa’iil iyo dadweynaha oo u arka tallaabooyinkan Yuhuuddu qaaday daandaasi ka dhan ah Muslimiinta, iyadoo sidoo kalena dadku ku tunayaan dibadda dhismaha masjidka.
Sidoo kale, Muftiga Muslimiinta ee Qudus Sheekh Maxamed Xuseen, ayaa ku baaqay in dhammaan masaajidada la xidho salaadda Maalinta Jimcaha oo Muslimiintu isugu soo baxaan mudaharaad ka dhan ah xannibaadda Israa’iil soo rogtay.
Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu, ayaa la sheegay inuu ka fikirayo in laga saaro masjidka Al-Aqsa qalabka dadka lagu baadho ee soo saaraya alaabta birta ee ka cadhaysiiyey dadka Falastiiniyiinta ah ka hor salaadda Jimce ee maanta.
Netanyahu ayaa isagoo ku sugan dalka Hungary telefoon kala hadlay masuuliyiinta ammaanka u qaabilsan si uu ula tashado, una qiimeeyo soo jeedimahooda waxa la yeelayo.
Kaaliyayaha Ra’iisal-wasaaraha u qaabilsan amniga gudaha Shin Bet, ayaa ku taliyeyin in qalabkan lagu xidhay masjidka laga saaro, balse booliska Qudus ayaa ka soo horjeestay soo jeedintaasi oo doonaya in qalabku ku xidhnaado masjidka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post