X
    Categories: Warar

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Khilaafka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Weriyayaasha

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay tallaabada wasiirka wsaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ka qaaday qayb ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo ka qayliyay go’aankaa, Isla markaana xiisadi ka aloosantay weli taagan tahay oo anshax marin lagu sameeyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Ururka Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)  ayaa u qornaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo Ixtiraamaya shuruucda kala duwan ee Dalka ee ay ku aasaasan yihiin hay’addaha kala duwan ee Qaranku, waxa uu isagoo eegaya masuuliyadda ka saaran Difaaca iyo Horumarinta Saxaafadda ugu baaqayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta inay dibu-eegis ku samayso go’aanka Shaqo ka joojinta iyo Anshax marinta ah ee ay ku riday 24-ka mid ah shaqaala weynaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradda Warfaafinta.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa khilaafyadda kala duwan ee ka taagan wasaaradda Warfaafinta iyo Shaqaalaha inay haboonayd siyaabo kale in lagu xaliyo, hase yeeshee go’aanka imika la qaaday ee ah Shaqo ka Joojin iyo Mushaharka oo laga jaro wuxuu culays ku yahay shaqaalaha iyo Qoysaskoodaba oo qaata Mushar aan ku filnayn.

Ururka SOLJA, waxa uu in badan Isha ku hayey khilaafyaddii kala duwanaa ee sidan oo kale u dhex maray masuuliyiintii kala danbeeyey ee wasaaradda soo maray iyo wariyayaasha ka hawlgala, waxaanay dhamaantood ahaayeen kuwo ka dhashay nidaamyaddii ay ku maamulayeen xukuumaddihii kala danbeeyey oo mar walba keenayey Muran.

Laga soo bilaabo Xukuumaddii UDUB ee Yagleeshay Telefishanka Qaranka Somaliland, waxa isa soo tarayey in kolba xukuumadda talada qabataa keenaysay Awaamiir ay nidaamka Maamul ee wasaaradda wax kaga bedelaysay, iyadoo Maamulka marna la hoos geynayey Madaxtooyadda, mar kale wasaaradda marar badana la Madax banaanaynayey, kuwaas oo khilaafka mar walba Horseedayey.

Cabashada Wariyayaasha iyo go’aanka ay wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay waa kuwo aan horseedayn xal waara. sidaas daraadeed; Ururka SOLJA, isagoo Ixtiraamaya karaamada Shaqada Qaranka in la ilaaliyo isla markaana la sugo xuquuqda Suxufiyiinta kala duwan ee u shaqeeya warbaahinta Dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba, waxa uu ku talinayaa inay Wasaaraddu dib u eegto go’aankeeda, oo ay u marto waddo kale oo xal u noqon kara khilaafka ka jira wasaaradda.

Maxamuud Cabdi Jaamac

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post