X
    Categories: Warar

Ururka SOLJA Oo Walaac Ka Muujiyay Xadhiga Suxufiyiinta Iyo Weriye Berbera Ku Xidhaan Xoriyadiisa Loo Celiyay

Hargeysa(ANN) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, ayaa ku tilmaamay xad-gudub iyo gef tallaabada Ciidanka Booliska Xabsiga ku dhigeen Weriye Cabdiraxmaan Maxamed Cige (Soofadhiiste) oo ka hawlgala Magaalada Berbera, balse galabta xoriyadiisa loo celiyay.
sidoo kale SOLJA, ayaa weriyayaasha ku booriyay baadhista iyo soo bandhigista xoggaha ku saabsan heshiisyada xukumaddu gasho oo ay sheegeen in bulshada laga qarinayo.

Qoraal kasoo baxay Ururka SOLJA , ayaa lagu yidhi, “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag uga soo horjeeda xadhiga wariye Maxamed C/laahi Soo-fadhiiste oo muddo sadex cisho ah magaaladda Berbera ugu xidhan xukuumadda Somaliland, kaasoo ciidamadda Booliisku qabteen kadib markii uu Telefishanka Somalicable ka sii daayey war ku saabsanaa dadweynaha Reer Berbera oo salaadii Ciidal Adxa ku foodhyey wasiiro ka tirsan xukuumadda oo damcay inay qudbad ka jeediyaan fagaarihii salaada lagu tukanayey ka hor intii aan salaada Ciida la tukan.
Sidoo kale, Ururka SOLJA waxa uu xad-gudub u arkaa talaabada ay Booliisku ku ugaadhsanayaan wariyayaasha kala ah Axmed Siciid oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan, Mubaarak Nirig oo ka hawl-gala Star Tv iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo isna ka tirsan Telefishanka Star, kuwaasoo sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada Booliisku guryahooda baadheen, hase yeeshee ka cararay magaaladda.
Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga iyo Ugaadhsiga wariyayaasha Gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera oo ka dhashay khilaafka ka taagan wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo la ogaa gacan ka hadalkii ka dhacay Golaha wakiiladda ee ay isku farasaareen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana ay laaleen Mudanayaasha Golahaasi in uu yahay mid ay wasiiradda ka soo jeeda Gobolka Saaxil ku doonayaan inay wariyayaasha kaga hor istaageen inay xogaha ku gedaaman bulshada u bandhigaan.
SOLJA waxay hore uga hadhashay talaabadii uu taliye ku-xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil isla dhacdo tan oo kale ah uu ugu xidhay wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo ka shaqeeya Somnews Tv, kaasoo booliisku xabsiga dhigeen isagoo duubaya shir jaraa’id oo lagaga soo horjeeday mashruuca haamaha, halka aan laga xidhin wariyayaal war ka duubayey isla shir jaraa’id oo lagu taageerayey go’aanka ay xukuumaddu shirkadaha ku siisay Haamaha shiidaalka.
Ururka SOLJA isagoo tixraacaya hadalkii Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Wershada Cali Dhagoole ee ahaa hanjabaada cad ee uu warbaahinta ka sheegay ee ahayd in ay talaabo ka qaadayaan cid kasta oo ka hor timaada Heshiiska ay Xukuumaddu kula gashay shirkaddaha Wadaniga ee lagu wareejiyey Haamaha Shiidaalka waxaanu u aragnaa mid lagu tumanayo sharciyadda dalka, isla markaana lagu duudsinayo xuquuqda Saxaafaddu u leedahay inay dadka u tabiso warar, isla markaana dadweynuhu u helaan si cad.
Maadaama Xukuumadda Somaliland aanay usoo bandhigin Saxaafadda Heshiiska ay ku gashay wareejinta Haamaha Shiidaalka, isla markaana aanay Hay’addaha sharciga ah u marin sharciyeynta Heshiiskaas sida shuruucda Dalku dhigayso oo ay Golihii wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku diideen isla markaana Wasiiradda Saxaafadda xidh xidhayaa ku hanjabayaan waxaanu cagta marinaynaa cidii ka hor timaada, waxa waajib dastuuri ah oo aan ka gabasho lahayn ah inay saxaafaddu baadho oo dabagasho heshiiskaas, isla markaana bulshada u soo tabiso xog kasta oo laga helo, ha ahaato codka dadka ka soo horjeeda ama ha ahaato talaabooyinka ay xukuumaddu ku qarinayso xaqiiqada.
sidaas daraadeed, waxa uu Ururka SOLJA mar kale ku celinayaa inay Wasiiradda sida cad u caadaystay inay warbaahinta ka hor istaagaan shaqada ay qaranka u hayaan u sheegaynaa in aanay awood u lahayn manta inay qariyaan wax kasta oo dalkan ka jira, waxaanan ugu baaqaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Hay’addaha Garsoorka ee Dalka inay xorriyadooda usoo celiyaan wariyaha xidhan, kuwa laa baadi-goobayana ka joojiyaan Booliiska ay wasiiraddu u adeegsanayaan.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post