X
    Categories: Warar

Ururka Qareenada Somaliland Oo Canbaareeyay Xadhig Xukuumaddu Kula Kacday Xubin Ka Mid Ah Oo Xukun Milateri Loo Adeegsaday

Araweelo News Nework

Warsaxaafadeed

Hargeysa(ANN)-Ururka Qareenada Somaliland (Solla) waxa uu si adag u canbaaraynayaa xadhiga qareen Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan oo ah xubin ka tirsan ururka.Cabdirisaaq waxa la xidhay maanta oo ay bishu tahay 17 February 2018. Waxaana islamaanta la horgeeyey maxkamadda militariga.

Xadhiga qareenku waxa uu si cad uga soo horjeedaa qodobka 20(2)aad ee Xeerka Qareenada (Xeer L/r. 30/2004) oo sheegay “Qareenka lama xidhi karo, lamana xayiri karo hadii aan lagu qaban denbi culus isagoo faraha ku lajira (Flagrance) ama aan ogolaansho laga helin Guddiga ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenadda.”

Ma jiro wax faldembiyeed ah oo uu qareenku faraha kula jiray markii la xidhaayay, islamarkaana wax ogolaansho ah oo Gudida Ruqsad bixinta laga helay ma jirin.

dhinaca kale sida ku cad qodobka 104aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, maxkamadda militarigu awood uma laha in ay qaado dacwadaha ka dhanka ah dadka shacibka ah. Waxaanu ururku si adag u canbaaraynayaa horgeynta qareenka la geeyey maxkamada militariga, taas oo ah arin aad uga soo horjeedda dastuurka iyo dhaqanka dimoqraadiyada ah ee ay Somaliland qaadatay.

Ururku waxa uu ugu baaqayaa Dawladda Somaliland in ay si deg deg ah xorriyadiisa ugu soo celiso qareen Cabdirisaaq, islamarkaana in laga fogaado in maxkamadda militarigu ay faro galiso arimaha la xidhiidha dad shacab ah ama ba ay qaado dacwado ka dhan ah dad shacab ah.

Ugu danbayntii Ururka Qareenada Somaliland ( Solla) waxa uu wer wer iyo walaac xoog leh ka qabaa xadhiga suxufiyiinta iyo dad kale ee u xidhan arimo la xidhiidha aragtidooda, oo ay cabireen.kuwaasi oo xadhigoodu si cad uga hor imanaysa Qod: Qod: 32 (1)aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo dadka ugu damaanad qaaday xaqa xorriyada in ay aragtidooda cabiraan. Waxaanu ururku ugu baaqayaa dawlada in ay sii dayso dhamaan dadka u xidhan aragtidooda oo ay cabireen, oo ay ilaaliso dastuurka iyo dimuqraadiya dalka.

Allaa Mahad leh
Jamaal Huseen Ahmed ( Mandeela).
Xog-hayeha Guud Ee Ururka Qareenada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post