X
    Categories: Warar

Ururka Qareenada Somaliland Ee SOLLA Oo Magcaabista Guddida Culimada Ee Madaxweynuhu Magcaabay Ku Tilmaamay Mid Khilaafsan Dastuurka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)— Waxaanu si kooban ugu hadlay magacaabista gudida culimada Somaliland ee u magacaabay madax waynaha jamhuuriyada Somaliland .

Gudoomiyha ururka qareenadu isaga oo warsaxaafadeedkiisan kaga hadlay nidaamka loomaray magacaabista gudida culimada in aanay waafaqsanay dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo sida uu xeerku dhigayo.

Habka loo magacaabay maaha mid waafaqsan dastuurka jamhuuriyada Somaliland waana mid ka hor imanaysa dastuurka qarank jamhuuriyada Somaliland isla markaana jidaynaysa masuuliyad daro ka timaada ku dhaqan la aanta dastuurka jamhuuriyada Somaliland.

Habka loo magacabayo gudida culilmada waxa tilmaamaya Qodobka 119 aad ee dastuurka qarank jamhuuriyada waxanu u dhigan yahay sida tan

QODOBKA 119 ee dastuurka

Magacaabista Xubnaha Gudida Culimada 1- Xubnaha guddida culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo

golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabadan gudidan culilmada waxaa xaq u leh Gudi isku dhafa oo ka kooban golaha xukumada iyo golaha guurtida oo ah tiro is le eeg ah waxana an sixinaya golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland. Hadaba madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland uma laha awood u ku magaacaabo gudida culimada jamhuuriyada SomalilandMagacaabista Gudidanina waa qayruldastuuri.

Sidoo kale magacabista gudidani waxay khilaafsantahay QOD 116 ee dastuurka jamhuriyada Somaliland oo si cad u tilmaamaya tirade xubnaha ay noqonayaan gudida culimadu oo ah 11 xubnood balse tirade xubnaha madaxwaynuhu magacaabay oo ka kooban 12 xubnood taasi oo khilaafsan QOD 116. Sharci ahaana ay khalad tahay in la magacaabo tiro buuxda sababtoo ah gudidu waxay go aanada ku gaadhaysaa cod hal dheeri ah. Kuna meel marayaan go aamadoodu balse tiradan madaxwaynuhu waxay abuuraysaa khilaaf iyo muran dastuuriya.

Sidoo kale wax yaabaha ka reeban gudidan culimadu dastuuriga ah in aanay ka tirsanayn hayada ama gudi kale oo qaran sida uu tilmaamayo qod 118 dastuurka jamhuuriyada Somaliland magacaabistan madaxwaynaha waxa ka muuqata in ay khilaafsantahay qodobanka 118 dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxana magacaabistiisa ku jira xubno ku jira gudiyo kale oo dastuuriya ah sida gudida cadalada ee jamhuuriyada Somaliland.

hadaba waxa jirta in aan xukumada Somaliland ixtiraamin kuna dhaqmin dastuurka jamhuuriyada Somaliland mudooyinkii u danbeeyeyn go aamadii ka soo baxay xukumada jamhuuriyada Somaliland ay khilaafsanaayeen dastuurka jamhuuriyada Somaliland hadii aanay xukumadu dastuurka jamhuuriyada Somaliland ee ay xilka ku hayaan. Waxa ka dhalanaya masuuliyad daro sababi karta maamuuska xayuubin.

Sidaa darted ururka qareenadu waxay xukumada ku waaniyanaa in la ilaaliyo laguna dhaqmo dastuurka qaranka iyo xeerarka kale ee ka farcama,.

Waxanan ugu digaynaa xukumadu in ay caadaysato go aamo noocan oo kale ah oo qayral dastuuriya. Gudidana waa in loo maro qaabka u tilmaamayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo aan ku wargalinayaa golaha guurtida in ay waajibaadkooda ka gutaan gudidan qarul dastuuriga ah oo ay tilmaamaan qaabka loo soo xuluyo iyo cida xaqa magacaabida leh.

ALLah Mahad Leh

Mohamed Mohamoud Hashi

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post