X

Ururka Marreeggaha Somaliland Ee SOMA Oo Ka Hadlay Canbaarayn Aan Sal Raad lahayn

    Araweelo News Network.

Waxa wax laga xumaado ah in dad suxufiyiin sheeganaya inay aflagaado iyo cambaareyn u geystaan Ururka Online-ka Mareegaha Somaliland ee SOMA”

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Online-ka Somaliland ee magaciisu yahay Somaliland Online Media Association ee loo soo gaabiyo (#SOMA), Mustafe Abdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa si adag uga jawaab-celiyay aflagaado iyo gef ay kula kaceen shakhsiyaad Ururka SOMA,kaas oo ay baahiyeen Marreeggaha somalilandtoday.com iyo  sunatimes.com

Sidaa waxa uu guddoomyaha Ururka Marreeggaha Online-ka Somaliland ee SOMA Mustafe-janaale ku sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo maanta uu soo saaray kaas oo u dhignaa sidan:

“Somaliland_Online_Media_Association (#SOMA), waa urur waddani ah oo ay ku bahoobeen Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland,taas oo fadhigeedu yahay Caasimada Somaliland ee Hargeisa,isaga oo wada shaqeyn la leh hay’ada Caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah-ba.

Ururka #SOMA maaha Urur Saxaafadeed oo cid gaara u xidhan, ee Waa Urur u furan inay ka mid noqdaan dhammaan Warbaahinta Online-ka ah ee ka hawlgala Somaliland. ciddii danaynaysa ka mid noqoshadeeda.

Mustafe janaale

Aragtida aasaasida Dallada Mareegaha Somaliland ee SOMA waxay ka soo maaxatay qaar ka mid ah suxufiyiinta Mareegaha Online-ka wax ku qora,kadib markii ay garwaaqsadeen in iskaashigu ka fiican yahay keli-kelimada: “Iskaashigu Waxa u ka awood baddan yahay Keli-kelida” isla markaana loo baahan yahay inay noqoto codkii suxufiyiinta Mareegaha Online-ka ee ka turjumaysay danahooda.

Ururka Mareegaha Online-ka ah ee SOMA waxa uu u taagan yahay horumarinta iyo kor-u-qaadista xuquuqda Suxufiyiinta Online-ka Casriga ah.

Ururka #SOMA waa golle kulmiya Suxufiyiinta, iskuna waydaarsadaan Wararka, Aqoonta Xirfadaha iyo Tignoolajiyada sidoo kale waxay SOMA u taagan yahay inay ka qeybqaadato sameynta Siyaasadaha iyo Xeerarka Warbaahineed ee ay hormuudka ka tahay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.

Ururka SOMA waxa uu si sharciya ula shaqeynaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland,iyada oo fulinaysa Shuruucda iyo Siyaasadaha u yaala Warbaahinta dalka Somaliland.

Ururka #SOMA waxay u mahad-celinaysa Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ee uu hormuudka u yahay Wasiirka Saleebaan Cali Koore sidii fiicnayd ee ay noogu soo marti-qaadeen Kulamadii lagu falan-qeynayay Qabyo qoraalkii Siyaasadda Warbaahinta Qaranka Somaliland 2021-ka iyo sidii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen talooyinkii iyo soo jeedimahayagii.

Sidoo kale,waxay #SOMA u mahad-celinaysaa guddida doorashooyinka Somaliland sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen Mareegaha xubnaha ka ah Ururka Online-ka Somaliland ee SOMA.

Waxay #SOMA u mahad-naqaysa Mareeggihii sida fiican bulshada ugu tebiyay fariimihii wacyigelineed ee guddida doorashooyinku bulshada u gudbinaysay.

Waxa wax laga xumaado ah in dad suxufiyiin sheeganaya inay aflagaado iyo cambaareyn u geystaan Ururka Online-ka Mareegaha Somaliland ee SOMA, iyaga oo ku tilmaamay koox si tuuga ah ugu maxaabsanaysa magaca Mareegaha Online-ka Somaliland.Taas oo ah cadho ka kacday hunguri, kadib markii ay ku guul-dareysteen inay xubin ka noqdaan Ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA, isla markaana buuxin-waayeen Shuruudihii ka mid noqoshada Ururka SOMA.

Sidaa daradeed, Ururka Mareegaha Online-ka ee SOMA waxay u aragtaa inay tahay cadho hunguri ka kacday, waxaanad ka dhigan tihiin ‘Nin Hunguri kaa qaaday waa nin Seefi kaa qaaday.Waxaanan leenahay ILAAHAYOOW in beer ku filnaado ha naga dhigin.” ayaa lagu yidhi, war saxaafadeedka.

                              

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post