X

Ukraine: Volodymyr Zelenskyy Oo Shaqada Ka Caydhiyay Saraakiil Lagu Eedeeyay Gacansaarka Ruushka

Ivan-Bakanov-and-Iryna-Venediktov, Image Araweelo News Network..

Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Madaxweynaha dalka Ukraine ee duulaanka ruushku godoomiyay shantii bilood ee u danbaysay, ayaa shaqada ka caydhiyay saraakiil sare oo xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo lagu eeddeeyay in ay gacansaar la leeyihiin dawladda ruushka ee Vladimir Putin ee dagaalka kula jirta.

Volodymyr Zelenskyy, wuxuu sidoo kale ku sababeeyay saraakiisha uu xilalka ka caydhiyay in laga soo gudbiyay dacwado baddan oo ay shqaalaha ka hoos shaqeeya kasoo gudbiyeen saraakiishaa, kuwaas oo ah kuwo muujinaya in ay sameeyeen khiyaamo qaran.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy masuuliyiinta uu shaqada ka ceydhiyay, waxa ugu tun weyn laba sarkaal oo sare oo midkood yahay madaxii hay’adda amniga gudaha iyo xeer illaaliyaha ugu sarreeya dalka Ukraine.

Ivan Bakanov, oo hadda ah madaxii hore ee sirdoonka dalka Ukriane (SBU) iyo Iryna Venediktova, oo ah dacwad oogihii hore ee dalka, ayaan midkoodna ka hadlin eeddaha ay ku waayeen xilalkodoa.

Ivan Hennadiyovych Bakanov, oo ah siyaasi ka soo jeeda Ukrain, waxa uu masuul ka ahaa Adeegga Amniga laga bilaabo August 29, 2019, ilaa July 17, 2022.

Iryna Valentynivna Venediktova waa haweenay siyaasad Ukrainein ah, isla markaana ah aqoonyahan, iyo qareen, waxay ahayd dacwad oogaha guud ee Ukraine March 2020 ilaa 17 July 2022.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo saraakiisha ciidamada Ukraine iyo kuwa Britain ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay dib isu abaabulayaan ayna isku diyaarinayaan weerarkooda xiga ee Bariga iyo koonfurta Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post