X

Ukraine: Khabiir U Dhashay Britain Oo Sheegay In Ruushku Qarniyo Baddan Sii Wadikaro Dagaalka

difaaca Professor Michael Clarke oo ah xubin ka tirsan King's College London.

“Dagaalka Ukraine waxa uu millatariga Ruushka u ahaa khibrad soo jiidasho leh, Wuxuuna…” Professor Michael Clarke oo ka faallooda Arrimaha Difaaca

Araweelo News Network.

Kyiv(ANN)-Millateriga Ruushka ayaa sii xoojiyay weerarrada ay ku hayaan Ukraine, iyadoo wararka ka imaanaya Ukraine sheegayaan in 22 qof ay ku dhinteen 50 kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidamada Ruushka ay weerar gantaallo ah ku qaadeen saldhiga ciidamada Ukraine leeyihiin.

Ukrain ayaa maanta ku jirtay dabaal dagayo 31 sano kaddib markii ay ka go’een Midowgii Soofiyeeti oo ku beegan, taas oo ku beegan maalintii ay xornimada qaateen, waxaana la filayaa in Ruushka uu kordhiyo weerarrada uu ku hayo dalkaa.

Dabaaldega ayaa kusoo beegmay xilli uu dagaalka socday lixda bilood sababay dhibaatooyin burbur iyo dhimasho, iyadoo in ka bddan 10milyan oo qof oo ka cararay dagaalka ay u qaxeen dalalka Yurub ee ay jaarka yihiin ilaa  Maraykanka, kuwaas oo ah 70% in ka baddan, halka 30% ay dalka gudihiisa ku qaxeen oo ay ka carareen magaalooyinka waaweyn ee dagaalku naafeeyay.

Laxidhiidha: Antonio Guterres Oo Laga Dalbaday Inuu Xaqiijiyo Ammaanka Xarunta Tamarta Nukliyeerka Ee Zaporizhzhia Oo Ruushka Qabsaday

“Dagaalka Ukraine waxa uu millatariga Ruushka u ahaa khibrad soo jiidasho leh, wuxuuna sii wadi karaa qarniyo badan,” sidaa waxa qaba falanqeeyaha arrimaha difaaca Professor Michael Clarke oo ah xubin ka tirsan King’s College London.

Professor Michael, ayaa ahaa Agaasimaha Guud ee Royal United Services Institute, wuxuu sheegay in xilligan Millateriga Ruushku haysto saddex meelood oo laba meelood gobolka Donbus, isla markaana dhulka Ukraine 20% in ka baddan oo ahmiyad istiraatiijiya leh ay Ruushku gacanta ku hayaan.

Professor Michael Clarke oo ka faallloonayay dagaalka Ukraine ee Ruushka oo xilligan maraya lix bilood, wuxuu tilmaamay in kasta oo Madaxweyne Putin uu yahay nin aan lahayn taariikh Millateri oo uu ahaa KGB , balse uu leeyahay go’aamo adag oo Millateri iyo dhiiranaan, uu ku hoggaaminayo dagaalka, sidaa awgeed wuxuu ku doodayaa Proffessor Michael in aannay Ciidamadda Ruushku ahayn kuwo ay Ukraine u babac-dhigi karaan, isagoo tilaamaamay in xattaa taageerada Maraykanka iyo xullufadiisu aannay wax macno weyn ah samaynayn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post