X

Ukraine: Dalalka Galbeedka Oo Ka Walaacsan Weedhaha Joe Biden Ee Sii Kordhinaya Cadhada Putin

Putin iyo Biden, Image Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Paris(ANN)-Madaxweyha Farsiiska ayaa ka walaacsan weedho uu Madaxeynaha Maraykanka Joe Biden ku weeraray Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin.






Arrintan ayaa qayb ka ah jawaabaha kasoo baxaya xulufadab Maraykanka ee ka dhashay duulaanka Ruushka ee Ukraine oo si weyn jaah wareer ugu abuuray aduunka, Isla markaana dagaalka ayaa si weyn u liciifiyay dhaqaalaha aduunka, iyadoo qiimaha shidaalka iyo cuntada uu sameeyay.
Sidoo kale, waxa sii xoojiyay cabsida soo waajahday aduunka. Kaddib markii Madaxweynaha Ruushka Putin marar baddan ku hanjagay in uu adeegsanayo hubka Nukliyeerka, taas oo jawaab u ah tallaabooyinka cunaqataynta ee xulufada NATO.
Putin, ayaa sidoo kale ku hanjabay in haddii ay soo farageliyaan Arrinta Ukraine ay cawaaqib xun la kulamayaan. 

Hase yeeshee Putin ayaa si wada hanjabaada ku waajahan Maraykanka iyo xulufadiis, iyadoo dagaalka Ukraine weli dagaalku sii socdo, Isla markaana Yurub la wareersantahay dhawr milyan oo qoxooti ah oo ka carraray dagaalka dhawrka toddobaad socday.

Putin oo fadhiya miiskiisa kaddib markii uu amray duulaan, ayaa adduunka ugu hanjabay hubka Nukliyeerka ah, waxaana sii xoogaysay duqaymaha ka socda magaalooyinka waaweyn ee aan weli gacanta u gelin ciidamadda Ruushka,iyadoo dhinaca kale wada hadalo dhinac socda dagaalka ayaa Turkigu marti geliyay, iyadoo aannay wax natiijo ah kasoo bixin kulamada Ruushka iyo Ukraine.
Xukufada NATO ee Maraykanku hoggaaminayo waxay u muuqdaan kuwo wax ka bedelay qorshihii Maraykanka Xoghayaha arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa u muuqda  duuliye diblumaasiyadeed oo degdeg ah tan iyo markii uu duulaanka Ruushka ee Ukraine bilaabmay 24 February 2022.
Madaxweyne Biden, ayaa hore Putin ugu tilmaamay denbiile dagaal, balse Sarkaal u hadlay Aqalka cad iyo xoghayaha arrimaha dibedda ayaa markiiba hadalka Madaxweynaha ku tilmaamay mid ku kooban rayigiisa, taas oo loo macneeyay in saamayn ay ku yeelanay dagaalo Maraykanku ku qaaday Dalal baddan oo ay ku jiraan Ciraaq. Afganistan, Yemen, Somalia  Libiya iyo kuwo kale. Laakiin waxa jira  Xoggo kale oo xaqiijinaya in Madaxweyne Biden uu ugu yeedhay mar kale Putin'kawaanle" hilible ah oo Ukriane ka dhigay kawaanka dadka lagu qallo.

Putin waxa uu ka soo kacay miiskiisii, waxa uu iska tuuray qalinkiisii ​​dahabiga ahaa, waxa uu dulsaarnaa miis cusub oo 80 mitir ah, waxaanu ku qayliyay: "Haah, haa!? Waa taas!, isagoo ka cadhaysan weedhaha canbaaraynta ah ee Maraykanka iyo maddaxda NATO. Laakiin Faransiiska ayaa hormood u ah dalalka reer galbeedka ee werwerka ugu baddan qaba dagaalka oo dhaqaale ahaan iyo amni ahaan uu saamaynta ku yeeshay, Isla markaana ka caqbsiqaba kaga dhabeeyo Madaxweyne Putin oo cadhaysan im jawaabtiisu noqoto mid si dhab ah ugu adeegsado hubka Nukliyeerka. Sidaa awgeed Madaxweynaha Faransiisku kuma qanacsana dhawaaqyada Maraykanka ee sii kordhinaya cadhada Putin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com
    

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post