X

Ukraine: Antonio Guterres Oo Laga Dalbaday Inuu Xaqiijiyo Ammaanka Xarunta Tamarta Nukliyeerka Ee Zaporizhzhia Oo Ruushka Qabsaday

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo la kulmay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, 19 August 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Erdogan iyo Antonio Guterres Oo Ah Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Waxay La Kulmeen Volodymyr Zelenskyy

Kyiv(ANN)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka dagaalku naafeeyay ee Ukraine, labada hoggaamiye ayaa doonaya in dagaalka daba dheeraday ee xilligan maraya lixda bilood lagu xaliyo qaab diblamaasiyad ah.

Laxidhiidha: Qaraxyo Ka Dhacay Saldhigyada Millateriga Ruushka Ee Belarus Iyo Crimea

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Khamiistii sheegay in uu ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres in uu xaqiijiyo ammaanka xarunta tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee uu Ruushka qabsaday, taas oo ah xarunta ugu weyn Yurub ee Nukliyeerka.

Qabsashada Ruushka ee xarunta Zaporizhzhia, ayaa werwer ku haysa dalalka reer galbeedka iyo xulufada uu hoggaamiyo Maraykanku, sidoo kale waxay qabsashada Ruushka ee Zaporizhzhia cabsi iyo wer wer ku haysaa aduunka oo dhan.

Laxidhiidha: Gerhard Schroder, Siyaasi Jarmal Ah Oo Ka Tilmaamay Sababaha Mushkilada Dagaalka Ukraine iyo Ruushka

Moscow iyo Kyiv ayaa midba midka kale ku eedeeyay in la duqeeyay dhismaha Nukliyeerka, waxaana dagaalka uu sii kordhiyay cabsida laga qabo musiibo nukliyeer ah oo dhacda, taas oo ay dheertahay, iyadoo Ruushku hore ugu hanjabay inuu adeegsanyo marka loo baahdo Nukliyeerka.

Guterres ayaa booqanayay Lviv, halkaas oo uu wadahadal saddex geesood ah uu kula yeeshay Zelenskyy iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Saddeda hoggaamiye ayaa ka hor intii aannay kulmin, wuxuu Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Erdogan, kaasoo noqonaya safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday horaantii sannadkan Jeawery.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Erdogan ee Ankara, ayaa xidhiidh adag la leh Moscow iyo Kyiv, waxayna door muhiim ah ku lahayd dadaallada diblomaasiyadeed intii uu socday dagaalka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku adkeysanaya in dagaalka Ukraine lagu xaliyo dariiqo diblomaasiyadeed, isagoo juhdi iyo dedaal baddan geliyay sidii uu dhinacyada isugu soo jiidi lahaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post