X
    Categories: Warar

UK Iyo Germany Oo Ku Yaboohay Deeq Malaayiin Dollar Si Wax Looga Qabto Abaarta Gobolada Bariga Somaliland

Araweelo News Network

Nairobi (ANN)- Duwalkii Caalamka ee Madaxda XISBIGA WADDANI kulamada is dabajooga ah kula qaateen dalka Kenya oo durba ka soo jawaabay dalabyadii Xisbigu u bandhigay ee ay ugu tunka weynayd asmada ka dhalatay abaarta baahdan ee ku dhufatay Gobolada SOMALILAND.

7,000,000 £ Todoba Million Oo Lacagta Giniga Ingiriiska ah waxa Ku yaboohday Dawladda UK .

Halka 5,000,000 & Shan Million oo Dollar ay Ku deeqaday Dawladda GERMANY .

Mar dhawayd waxaa soo xidhmay shir ay isugu yimaadeen dhammaan safaaradihii aanu kulamada la yeelanay ee kala aha dalalka, USA UK, France, GERMANY DENMARK UNITED NATION , EUROPE iyo IGAD waxaana loo qabtay shirkan abaaraha SOMALILAND

Shirkan deg dega ah waxa lagu go’aamiyay in wafdi dag dag ah loo diro dalka SOMALILAND muddo laba cisho gudahood ah, wafdigaas oo ugu horreyn ka degi doona magaalada Hargaysa ee Caasimadda dalka .

Lacagta kor ku xusan waxa ku deeqay dalka U.K. Iyo GERMANY dhammaan dawaladaha kalena balan qaadyo deg deg ah ayay soo wadaan

Wafdiga XISBIGA WADDANI ee ku sugan Nairobi waxay ugu baaqayaan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE in aanay ka hinaasin dedaalka Xisbiga WADDANI ugu jiro dalkiisa iyo dadkiisa abaaruhu aafeeyeen, ayna soo dhaweeyaan wafdiga miisanka leh ee ku soo aadan dalka waayo dhammaanteen waxaynu u shaqaynaynaa shacbigeena oo u baaha

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post