X
    Categories: Warar

Ujeedada Wufuud ka Socday Shirkado Maalgashi Oo Laga Leeyahay Switzerland Iyo Cumaan Oo Booqday Dekedda Berbera

Araweelo News Network

Berbera(ANN)Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wufuud ballaadhan isugu jira ganacsato iyo maal-gashadayaal ka kala socda dalalka saldannada Cunmaan iyo Switzerland shalay.
Ujeeddada weftiga ayaa la xidhiidha sidii ay u indha-indheeyn lahaayeen, isla markaana u kuurgalaan fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira dalka Somaliland, gaar ahaan ka ganacsiga shidaalka, tamarta iyo mashaariicda dhinaca tignoolojiga.
Weftigan waxa hoggaaminayey masuul sare oo ka socday dalka Cummaan oo magaciisu yahay Major General (Retd) Nooh Sabil Al Balushi, isla markaana ah Agaasimaha Guud ee shirkadda Ruby Projects International iyo sidoo kale wefti uu horkacayo Mr. Andreas Boesch oo ah masuulka ugu sarreeya Shirkadda Tamarta ee PETRA ENERGY oo laga leeyahay dalka Switzerland, waxayna weftigu booqdeen Dekedda iyo Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
Wasiirka Ganacsiga, ayaa faahfaahin ka siiyey weftiga goobta istaraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taal, taasoo ah marinka ugu muhiimsan dhinaca biyaha ee uu maro ganacsiga caalamku, gaar ahaan gaadiidka badda ee u kala goosha dalalka adduunka.
Waxa kaloo uu weftiga uga warramay fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashi ee ka jira Somaliland iyo sidoo kale khayraadka dabiiciga ee ceegaaga dalka, kaasoo u baahan in laga faa’iidaysto, lana maalgeliyo, isagoo ka sheekeeyey marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay haatan diyaarka ugu tahay, uguna baahan tahay xidhiidh ganacsi iyo maalgashi, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay maalgashigooda u bilaabaan sida ugu dhakhsaha badan.
Kulanka Wasiirku la yeeshay ganacsatada dalalka Cummaan iyo Switzerland, waxa ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamed Saleebaan Cilmi, iyadoo xubnaha weftigu muujiyeen sida ay ugu qanceen arrimaha amniga Somaliland iyo fursadaha maalgashi ee ka jira.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post