X
    Categories: Warar

Ujeedada Safar Madaxweyne Silaanyo Iyo Wefdi Xukuumadda Ka Tirsan Ku Tegeen Berbera Oo Sharaxaad Laga Bixiyay

Araweelo News Network

Berbera(ANN)-Wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa gaadhay magaalada Berbera May 10 2017, intii uu jidka ku sii jiray madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan degmooyinka, tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo berbera, waxana socdaalka madaxweynaha ka warbixiyey afhayeenka madaxtooyada mudane, Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Afhayeenka ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ee gobolka Saaxil, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu galabta ka soo ambabaxay magaaladda Hargeysa, isaga oo socdaalkiisu uu ku eeg-yahay magaaladda Berbera, taas oo maalinta bari ah oo ay bishu tahay 11 lagu qaban doono xafladii si rasmi ah loogu wareejinayey shirkada weyn ee DP World dekada Berbera. Xafladaas ayuu madaxweynuhu ka hadli doonaa”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Safarka madaxweynuhu wuxuu ku eeg-yahay magaaladda Berbera; ujeedada ugu weyn ee madaxweynuhu u yimi waxa weeyaan mashaariicda qiimaha leh ee xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ay ku talaabsatay, madaxweynuhu wuxuu doonaya inuu umadda jamhuuriyadda Somaliland uu ku dhiiri-galiyo kuna baraarujiyo in la soo dhaweeyo horumarka iyo mashaariicda qiimaha u leh dalkan, sidaas daraadeed mashruucan DP World waxa uu ka mid yahay mashaariicda qiimaha leh ee xukuumaddan madaxweyne Axmed Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ay dalkan ka fulisay”

Weftiga madaxweynaha socdaalkan waxa ku wehelinayey, Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ahna Murashaxa doorashada Madaxtooyada Mudane Muuse Biixi Cabdi, marwada koowaad ee qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka madaxtooyada, wasiirka arrimaha dibeda, wasiirka maaliyada oo hore u sii joogtay gobolka, wasiirka ganacsiga, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post