X
    Categories: Warar

Ujeedada Kulan Dhexmaray Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Iyo Safiirka Dawladda Denmark Ee Nairobi

Araweelo News Network

Berbera(ANN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey kulan uu la yeeshay Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan waddamada Kenya, Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi Amb. Mette Knudse.

Kulankaasi oo shalay ka qabsoomay aqalka Madaxtooyada Berbera ayaa waxa laga wadahadlay arrimaha Doorashooyinka Somaliland fooda ku soo haya iyo mashaariicda Horumarineed ee Somaliland.

Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa najiitada kulankaasi ku faahfaahiyey hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaanu yidhi “ Waxaannu xarunta madaxtooyada magaalada Berbera ku kulanay safriika dalka Denmark u fadhiya dalka Kiiniya, isla markaana qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi Amb. Mette Knudsen. Dalka Denmark waa dal ay Jamhuuriyadda Somaliland saaxiib yihiin waxa uu ka mid yahay wadamada Somaliland ka taageera horumarka iyo dumuquraadiyada muddo dheerna waxay ahaayeen dal ina taageera, waa ummadd aynnu abaal weyn ugu hayno taageeradooda, Somaliland-na meel weyn kaga yaala.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Safiirka Amb. Mette Knudsen iyo masuulka Denmark u fadhiya Somaliland Michael Thyge Poulsen waxaannu ka wada-hadalnay arrimaha aannu ka wada-shaqayno ee ay ka mid tahay geedi socodka doorashada madaxtooyada, mashaariicdiii horumarka oo aannnu iska waraysanay gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo ay qayb weyn ka yihiin, saldhigna ay u yihiin dalalka Denmark iyo UK.”

Mudane Xaashi ayaa sheegay in kulankaasi uu salka ku hayo dadaalka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wado ee la xidhiidho kobcinta xidhiidhka Somaliland iyo wadamada ay saaxiibka yihiin waxaanu yidhi “Safarkani waxa uu ka mid ahaa socdaaladii joogtada ahaa ee ay Somaliland ku iman jireen. aad iyo aad ayey Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed SIilaanyo gadhwadeena uu ka yahay ay ugu go’an tahay in la xoojiyo xidhiidhka wadamada aynu saaxiibka nahay, sida wadamada midowga Yurub oo Denmark-na ay ka mid tahay.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post