X
    Categories: Warar

Ujeedada Dhabta Ah Ee Kulanka Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Somalia Ee Djibouti Halkan Ka Daawo

Djibouti(ANN)Labada Madaxweyne ee Sokaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaadhay magaalada Djibouti ee Dalka Djibouti, ayaa kulan qado ah oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele u sameeyay ka dib yeeshay kulan ay kaga wada hadlayaan arrimo xaasaasi ah, kuwaas oo la xidhiidha wadahadaladii labada dhinac oo marar baddan ka dhacay Dalka Turkiga.
Si cad looma sheegin ujeedada laga leeyahay kulamadaa labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia, isla markaana lama ogga inay horseed u yihiin qorshihii beesha Caalamka ee hore ay ugu qoondeeyeen inay mustaqbalkooda kaga wada hadlaan, isla markaana wadahadaaladaa oo kasoo bilaabmay Britain hore loogu qorsheeyay Dalka Turkiga in waqtigan loo soo wareejiyay dhinaca Dalka Djibouti iyo inay yihiin kuwo aan waxba ka beddelayn qorshihii hore ee beesha Caalamku dabadda ka riixaysay,
Hase yeeshee warar xog-ogaal u ah kulanka Labada Madaxweyne ayaa u sheegay Shebekadda Wararka ee Araweelo News Network in qorshaha iyo ujeedada laga leeyahay kulanka labada Madaxweyne yahay in Urur Goboleedka IGAD uu ansixiyo wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ee socday, taas oo ah soo jeedin ka timi beesha Caalamka, balse lama ogga inay markaa ka dib wixii ka danbeeya kulankaa shirarka labada dhinac uga sii socon doonaan Djibouti iyo in lagu celijn doono dhinaca Ankara ee Dalka Turkiga.
Halkan Ka Daawo Kulanka Wadahadalka Labada Madaxwyene ee Somaliland iyo Somalia
Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post