X
    Categories: Warar

Turkiga Oo Taageero Dhinaca Amaanka Ah Ka Dalbaday Beesha Caalamka

Araweelo News Network

Ankara(ANN)Dawlada Turkiga, ayaa markii u horaysay taageero weydiisatay beesha Caalamka oo ay codsatay in laga taageero dagaalka ka dhanka ah amaankeeda , Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay in dalkiisa uu filayo taageero kaga timaada dalalka EU iyo qeybaha kale ee caalamka oo lagula dagaallamo “argagixisada”
Mr. Mevlut Cavusoglu waxa uu tilmaamay in Turkiga uu sii wadidoono la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, issgoo hoosta ka xariiqay inay kula dagaallamayaan gudaha iyo dibadda dalkooda.
Dhawaaqa dalabka taageerada beesha caalamka ee Turkiga, ayaa kusoo beegmay saacado kaddib weerar isqarxin ah oo ka dhacay Istanbul, kaasoo ay ku nafwaayeen Afar qof, isla markaans in ka badan 30 kalena ay ku dhawacmeen.
Warbaahinta dalka Turkiga, ayaa shaacisay in Dadka dhintay ay kamid ahaayeen laba qof oo Israa’iil u dhashay, oo sidoo kale sitay American passport iyo qof Iiraan u dhashay.
Illaa hada Majirto koox sheegatay weerarkaa oo ahaa kii labaad ee ka dhaca Ankara laba todobaad guddohood, iyadoo Qarax weyn oo magaalada Ankara ka dhacay todobaadkii tagay ay ku dhinteen dad baddan, waxaan qaraxaa sheegatay kooxda kurdiyiinta.
Sidoo kale Bishii January, qof isqarxiyay oo loo maleynayo inuu ka tirsanaa ururka Daacish, ayaa weerarkaa ku dilay ugu yaraan 15 qof oo dalxiisayaal ah magaalada Istanbul.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post