X
    Categories: Warar

Turkiga Oo Soo Saaray Qorshayaal Cusub Oo Fiisaha Dalkiisu Qunsuliyada Hargeysa Lagaga Dalban Karo Iyo Su’aal Ka Taagan Inay Passapor-ka Somaliland Ku Bixinayaan

Araweelo News Network

Qunsuliyadda Dawladda Turkey-ga u Joogta Somaliland oo hab cusub u dejisay nidaamka codsiga fiisaha (New Online Visa Application Process):

Hargeysa(ANN)Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Jamhuuriyadda Turkiga, ayaa soo saartay hab cusub oo lagu dalban karo fiisaha lagu galo dalka Turkey-ga taasoo si rasmi ah u dhaqangalaysa 5-ta bisha January 2016 sannadkan cusub.

Qoraal Qunsuliyadda Turkey-ga u joogta Somaliland ay usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa lagu caddeeyay nidaamka cusub ee codsiga fiisaha Turkey-ga sidan hoos ku sheegan:-

Dadka u baahan fiisaha Turkey-ga ee aan qaadan karin fiisaha elaktarooniga ah/E-visa waxa laga doonayaa inay marka hore ku codsadaan fiisaha (Fiisayaasha dhammaan ujeedooyinka socdaal) si Online-ah iyagoo ka codsanaya mareegta www.visa.gov.tr. (Ciddii u qalmi karta fiisaha elaktarooniga ah/E-visa faahfaahintiisa waxa laga heli karaa www.evisa.gov.tr/en/);
Kadib marka uu qofku sidan sare u codsado fiisaha, wuxu booqanaya xarunta Qunsuliyadda Turkey-ga ee Hargeysa sida ballanta loogu qabto;
Mudada codsiga ballanta ee Qunsuliyadda, codsadayaashu waa inay soo buuxiyaan dhammaan wixii shuruudaha ah, soona gudbiyaan wixii dhukmentiyo ama caddaymo qoraal ah ee la xidhiidha codsigooda;
Codsade kasta waa inuu si shakhsi ah u dalbado ballanta fiisaha;
Araajida fiisaha marka la aqbalo ayaa la bixinayaa lacagta fiisaha; haddii la diido codsiga fiisaha, dib uma heli karo qofku lacagtii uu bixiyay ee fiisaha;
Dhammaan dadka codsanaya fiisaha waxa sidoo kale laga doonayaa inay haystaan caymis caafimaad socdaaleed shaqaynaya (Valid travel health insurance) oo ku siman mudada la filayo inay joogaan ama sii dhaafayaan Turkey-ga (Intended stay or transit);
Codsadayaasha iska yimaada Qunsuliyadda iyagoo aan ballan hore loogu samayn nidaamka Online-ka ah, lama aqbali doono, loomana adeegi doono;
Dhammaan Fiisayaasha dalku galka Turkey-ga waxa soo oggolaata Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkey-ga, sidaa darteed, dadka fiisaha codsanaya waxa laga rabaa inay codsiyadooda gudbiyaan ugu yaraan ka hor afar todobaad xilliga la fili karo in lagu socdaalo si looga badbaado wixii dhibaato ah;” ayaa lagu yidhi qoraalka, balse lama sheegin in fursadan dadka reer Somaliland Safaaradda Turkigu dalabka Fiisaha ka aqbalay haddii ay sitaan Somaliland Passaport iyo inay Somalia Passaport ku bixinay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post