X
    Categories: Warar

Turkiga Oo Shixnaddo Gargaar Caafimaad U Kala Diray Britain Iyo Dalalka Balkans-ka

Turkiga, wuxuu kale Caawimooyin u Diray Maraykanka, Talyaaniga, Spain iyo kuwo kale


Ankara(ANN)-Turkiga ayaa gargaar caafimaad gaadhsiiyay Boqortooyada Midowday ee United Kingdom, si ay uga caawiso la dagaalanka caabuqa Coronavirus oo Britain ay ka mid tahay dalalka uu sida weyn u saameeyay COVID-19.

Diyaarad Millateri oo kuwa xamuulka qaada ah oo ay leedahay dowladda Turkiga oo sidda sahay caafimaad oo loogu tala galay ka hor-tagga cudurka kusii faafaya dalkaa ee coronavirus ayaa Jimcihii u ambabaxday Boqortooyada Ingiriiska.


Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka ee Anadolu agency, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku amray in Diyaaradaha Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka oo ah nooca xamuulka ee Turkiga oo diro Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo sida qalab gargaarka caafimaad ah oo ay diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, kaas oo loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah COVID-19, ayaa ka baxda Ankara, sida, ayay Wasaaradda Difaaca Turkiga ku sheegtay Twitter-ka.
Qalabka gargaarka caafimaad ayaa sidoo kale farriin u diray dadka reer UK, isagoo leh: “rajo xumo kadib rajo ayaa jirta iyo mugdi kadib, waxaa jira qorax aad u ifaysa. Rumi. ”


Shixnada mucaawimada ee ay Tirkigu u direen UK, waxaa ka mid ah Gafuur-xidhka (maaskaro) ka ilaalinaya qofka inuu Fayrisku u gudbo, isla markaana u sahlaya inuu helo hawo nadiif ah.
Arbacadii, Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Ingriiska Dominic Raab, ayaa uga mahadceliyay Turkiga wadahadal dhanka taleefoonka ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu sida ay u direen sahayda caafimaad si looga caawiyo wadanka, isla markaana wax ka qabto cudurka Coronavirus, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.


Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Ingriiska Dominic Raab, ayaa sheegay in tallaabadaani ay “astaan u tahay saaxiibtinimada xooggan ee ka dhaxaysa labada dal Turkiga iyo Britain.”


Turkiga ayaa sidoo kale gargaar caafimaad u dirtay shan dal oo ka mid ah dalalka loo yaqaan Balkans-ka, kuwaas oo ay ku jiraan Serbia, Bosnia iyo Herzegovina, Montenegro, Waqooyiga Makedonia, iyo Kosovo Arbacadii, sidoo kale Talyaaniga iyo Isbaanishka – oo ah waddamada Yurub ugu daran ee uu cudurku ku dhacay, ayuu Turkigu Todobadaakii horre u diray shixnado caawimooyin dawooyin ah.


Turkiga, ayaa sidoo kale, noqday dalkii ugu horreeyay ee shixnado gargaar Caafimaad gaadhsiiya dalka Maraykanka oo galay xaaladdii ugu xumayd dhaqaale ahaan iyo caafaimaad ahaan, isla markaana awooddi waayay inay shirkaddihiisu soo saaran qalab caafimaad, iyadoo caaquba COVID-19, ee galalafay dunida si ba’an u saameeyay dalka Maraykanka iyo kuwo kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post