X

Turkiga Iyo Madaxweynaha Somaliland Maxay Ka Wada Hadleen

#Araweelo_News_Network
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa  Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland & Soomaaliya Danjire 𝐀𝐥𝐩𝐞𝐫 𝐀𝐤𝐭𝐚ş iyo wefti uu hoggaaminayay.
Kulanka kaddib War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayay Ambassador 𝐀𝐥𝐩𝐞𝐫 𝐀𝐤𝐭𝐚ş ay ka wada hadleen arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Turkiga.
 “Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada 13 Nov 2024, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka Qaranka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.” ayaa lagu yidhi, war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, waxa lagu xusay war-saxaafadeedka in Kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadaynta, iskaashiga dhaqaallaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaallaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada.
Madaxweyna Somaliland, ayaa Danjiraha Turkiga u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somaliland xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh, ayaa lasii raaciyay war-saxaafadeedka.

Ma u malaynay in saaxiibadaa xiisaynayaan mawduuca Warbixintan? la wadaag oo la sheergaree.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post