Duulanka Xalab (Aleppo) Ee Suuriya Muxuu Ka Bedeli karaa Khariirada Bariga Dhexe iyo Dagaalka Qaza?
#Araweelo_News_Network
Damascus (ANN)-Dalalka Iran iyo Turkiga ayaa isku maandhaafay collaada kasoo cusboonaatay dalka Suuriya, iyadoo kooxo maleeshiyo ah si lama filaan ah u qabsaday Xalab (Aleppo).
Madaxweeynaha awoodda baddan ee Bashaar Xaafid Al-Assad. ayaa kasoo jeeda Shiicada calalawiyiinta ah ee Suuriya xukumayay muddda dheer , isagoo xukunka ka dhaxlay Aabihii Xaafid Al-Assad oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha carabta kuwa ugu waaweynaa qarnigii tegey.
Dagaalkii 2006, ee Irsael iyo Hizbullaah ayaa si weyn wax uga beddlay xisaabta Bariga dhexe kaddib markii Xizbullah dhulka jiiday isla weynidii iyo qabkii Israel iyo weliba xullufada la safnaa dagaal muddo afartan maalmood ah socday oo taariikhda galay.
Wixii xilligaa ka danbeeyay sannado kaddib markii ay khasab niqitay in Hizbullah heshiis lala galo, dagaalka waxa loo wareejiyay in dhinaca Suuriya, halkaas oo laga bilaabo jaabhado lala xidhiidhiyay aasaaskooda iyo qalabayntooda saanada hubka Maraykanka iyo Israel iyo weliba dalalka Khaliijka, kuwaas gabood kasoo dhigtay kacdoonkii loo bixiyay gugii carabta.
Horaantii 2012, Kacdoonka ayaa ka bilaabmay Xallab (Aleppo) dagaal sannado socday ayaa saamayn ku yeeshay Suuriya, iyadoo malaaliiyiin shacabka dalkaasi ka qaxeen guddaha magaalooyinka qarniyo kaddib xadaarada iyo ilbxnimada facaweyn ee caasimadda Dimiscus Dimishiq oo lagu tilmaamo magaalooyinka ugu da’weyn caalamka.
Warbaahinta reer galbeedka ayaa qayb weyn ka qaatay isku dayga duulaanka la doonayay in xukunka lagaga tuuro Bashaar Al-Assad. iyadoo dunida laga iibinayo sheekooyinka eeddaymaha ee lagu eeddaynayo inuu xasuuq ba’an u geystay dadka sunniyiinta ah ee dalka suuriya sannadaddii 2011-2014, waxaana Tirada sunniyiinta la xasuuqay lagu tilmaamay inay gaadhaayaan hal Malyan, laakiin ma jirin caddaymo muujinaya inuu laakiin Bashar Al-Assad geystay xasuuq ba’an oo uu la beegsaday Suniyiinta, waxayna dad baddan oo ka mid ah kuwa arrinta Bariga dhexe si dhow ula socday u arkayeen sheeko la buun-buuniyay oo warbaahinta reer galbeedku u adeegsatay dagaalka ka dhanka ah Suuriya.
Iran iyo Ruushka ayaa taageero millateri iyo cudud la garab istaagay waxayna dagaal si weyn taariikhda u galay oo galaaftay nollosha kumanaan qof, isla markaana burbirioyay xadaaradii iyo raadadkii taariikhda ee Aleppo isku haleeleen Maraykanka, Israel iyo xulufada reer galbeedka oo taageeyaya jabhadaha, iyadoo Turkigu dagaalka doorkiisa a qaatay si laba wejiilayn ah oo gacan weyn siinayay xullufada galbeedka iyo jabhadaha, laakiin ugu danbayntii Bashaar Assad wuxuu noqday jirid weyn oo xidadadeedu ku xidhan yihiin Mosco iyo Tehran oo aan xukunka laga tuuri karin.
Sheekooyinka dagaalka ee dhanka warbaahnta reer galbeedka waxa laga xusuusta in ciwaanda waaweyn ee lagu sheegayay in Magaaooyinkii ay degenaayeen dadka sunniyiinta ah lasoo dejiyay dad shiico ah, taas oo si dhab ah u kicinaysay cadhada dadka sunniyiinta ah oo Ciraaq ay duulaankii Maraykanka iyo xullufadiisu 2003, ugu kala qaybiyeen shacbiga Ciraaq, sidaa awgeed jabhadaha kusoo duulay Suuriya ee sitay shaadhadhka reer galbeedku usoo xidheen ee lagu qoray Suniyiinta ayaa ku doodayay inay dhulkoodii dib uuga qabsadaan cadowgooda dhibaatada badan u geystay, waxayna ahayd sheekad keliya ee loo arkayay in Madaxweynaha Suuriya xukunka lagaga tuuri karo, iyadoo dalalka Khaliijku malaayiin dollar ku bixinayeen si ay u iuliyaan qorshaha Maraykanka iyo Israel, isla marakana xukuumadda Dimishiq xukunka looga tuuro.
Read More; Aleppo: Quruxdii Iyo Xadaaradii La Haligay. By. Carraale M Jama
iran oo ah dowladda ilaalisa Islaamka Gobolka Bariga dhexe, isla markaana u taagan taageerada xorraynta Qudus iyo innay Falastiiniyiintu helaan dhulkooda iyo xaqooda la haysto ayaa safka hore ka gashay difaaca Suuriya, iyadoo taageero Millateri iyo mid dublamaasiyadeed qaaday.
Xilligan dagaalka lama filaanka ah ee loo arko qorshe lagu wiiqayo guuldarada dagaalka Qaza iyo Xizbullah in dhanka Suuriya jiridaha loogu jaro, si markaa kaddib looga guulaysto muqaawamada Qaza iyo Hizbullah waxa Iran si deg deg ah ugu soo dirtay wasiirkeeda arrimaha Magaalooyinka Dimishiq iyo Ankara , si ay arrintaan uugala hadasho dowladaha Gobolka.
Warar la xidhiidha socdaalkiisa oo dhanka dublamaasiyada ah ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas araghachi inuu dhiggiisa Turkey kala hadlay in si wada jir ah loola dagaalamo Jabhadda xoraynta Shaam (جبهة تحرير الشام ) . Jabhadda xorraynta shaam waxay sidataa shaadhka ay ku qorantahay inay u dagaalamayso xuquuqda dadka sunniga ah ee dalka suuriya, laakiin sheekada Suni iyo Shiica waxa sidoo kale loo ekaysiiyay duulaankii Sucuudiga ee Yemen oo ka hor intii aannu ku dhamaman guuldarada loo xidhay inuu yahay dagaal Shiica iyo Suni, taas oo ahayd oo keliya mid lagu xalaalaysanayay si taageero loogu helo Xasuuqa, burburka xadaarada iyo ilbaxnimada faca weyn ee Yemen.
Xilligan Turkigu isagoo laba wajiilaynaya ayaa durba si cad loo arkaa inuu garab istaagay jabhadda xoraynta shaam, isagoo xidhan Koofiyada loo geliyay ee lagu qoray inuu difaacayo jahbada oo ah dad sunniya, laakiin Turkigu sanad iyo dheeraad wuxuu daawanayay waxa ka socda Qaza iyo dhulka Falastiin, waa Suniyiin mana jiro wax gurmad ah oo af iyo addin uga yimi isaga iyo kuwa la midka ah, waxayse gurmadka ugu weyn iyo garab istaaga ka helayaan shacabka Falastiin Xizbullah oo dhankooda la xisaabin karo inay yihiin shiicada ay Sacuudiga iyo Turkiga iyo adeegayasha Israel iyo Maraykanka ee Khaliijku shucuubta Islaamka uga dhigaan cadaw, iyagoo fulinaya qorshaha Israel iyo xullufada Maraykanka. Sidoo kale, Iran oo iyaduna ah Shiicada cadawga looga dhigay Suniga ee Turkiga iyo dalalka Khliijku fuliyaan siyaasada lagu hirgelinayo ayaa noqotay dalka keliya ee shucuubta Islaamka ka dhiidhiyay xasuuqa Qaza iyo haysashada Qudus
Iran waxay xilligan isku maandhaafeen Turkiga hrinta collaada cusub ee loo xidhay shaadhadhka lagu soo tollay Washingtin iyo Tel Aviv ee lagu qoray jabhada Suniga ee Shaam, labada wassiir arrimo dibadeed ee dalalka iran iyo Turkiga ayaa arrinta si weyn isugu qalacay siyaasiyan.
Sheekooyinka Shiica iyo Suni ayaa laga soo minguuriyay taariiikhda Bariga dhexe, waxaana lala xidhiidhay siyaasad soo shaac baxday isku dhaca sunniyiinta iyo shiicada. 15 kii sano ee u dambaysay bariga dhexe, iyadoo arrintan Maraykanka iyo xullufadiisu si weyn u adeegsadeen duulaankii Ciraaq si ay ugu suurta gasho in Xukuumaddii Sadam Xuseen meesha looga saaro, isla shacbiga Ciraaq loo wiiqo midnimadooda.
Xurgufta laga dhex bilaabmay dadyoowga shiicada iyo sunniyiinta ee dagaalka xilligan Aleppo waxay nafis iyo naruuro u tahay yahuudda, sababtoo dadbkii holcayay ee shiicada ee ku wajjahnaa yahuudda wuxuu u jeesanaya dhanka sunniyiinta. arrintani waxay yahuudda u tahay farad iyo Naruuro.
Maadaama xamaas ay tahay sunni, waxaa lays weydiin doonaa, dowladda Iran ma sii wadi doontaa Taageeradii Millateri ee ururka xamaas , mise garabkeeda ayay ka bixi doontaa oo yahuudda ayaa cidlo ka heli doonta Ururka Xamaas iyo dShacabka dulman ee Qaza ? !!!
Si kastaba ha ahaatee inkasta dalka Imaaraadku xilligan ka dhawaajiyay inuu taageerayo xukuumadda Bashaar Al-Assad, halkii ay 2012 ka taagareeyaan jabhadaha hoggaaminayay duulaanka Suuriya ee Aleppo, balse waayaha iyo dhcadooyinka Bariga dhexe ee mustaqblka dhow ayaa ka jawaabi doona su’aashaa iyo natiijada collaada Bariga Dhexe halka ay salka dhigato.
Author: Dr. Ahmed Hassan Salah, Compiled and Edited by: Arraale M Jama.
Published by Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published past on the Araweelo News Network.