Hargeysa(ANN)– Shirkaddaha Telesom Group , ayaa Madasha Shirka Gancsiga Somaliland oo saaka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi ka furay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka sheegtay doorkeeda horumarka dalka ee dhinacyada Isgaadhsiinta, horumarka Tiknoolojiyada casriga ah iyo weliba maalgelinta ay sameeyaan, iyagoo kaashanaya Bangiga ay mataanaha yihiin ee Daraasalaam.

Cabdiwahab Maax oo ah Agaasimaha Horumarinta Arrimaha bulshadda ee Shirkadda Telesom oo ku hadlayay afka Telesom Group , ayaa sheegay inay sharaf u tahay Telesom group inay kasoo qayb gasho shirkan ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland.

Cabdiwahab Maax,  ayaa si sar-kaxaadis ah u dul-maray taariikhda Telesom Group, shaqo-abuurka ay waddanka kusoo kordhisay iyo asaaskeedii, wuxuuna agaasimuhu xusay  muhiimadda ay bangiyada iyo maaliyaddu u leeyihiin bulshada Somaliland.

 Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda adeega Zaad kaas oo meesha ka saaray khataraha Xatooyada, Foojariga iyo Zaadka oo fududeeyay in lacagta cidda aad doonto si fudud aad u gaadhsiin karto. Adeega Zaad ayaa horseeday in bulshadii hesho adeeg maaliyadeed oo hufan, casriga ah, isla markaana amaan ah. Adeega Zaad ayaa sidoo kale heer hogaamineed ka galay kacaanka maaliyadeed ee dunida looga aqoon-saday Mobile Money isagoo sannadkii 2012kii loo aqoonsaday adeegyada u bahaan in dunidu ku dayato iyadoo maalqabeenada aduunka ugu caansan sida Bill Gate oo kale oo Somaliland ku tilmaayay inay ku dayan karto India oo maalqabeenku markaa ku sugnaa.

Agaasime Maax ayaa sidoo kale xusay inay Telesom Group ahaan soo dhoweynayaan dedaalka ay ku jirto dawladda Somaliland ee ah in la dhiirigeliyo maal-gelinta shisheeye ee dalka iyo in la dhiirigeliyo in la dhiso nidaam sharci oo aad u horumarsan oo dalkeena indhaha caalamka kusoo jeediya.

Guntii iyo gebo-gebadii agaasimaha ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidoo kalena ay kala shaqeeyaan Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo wasaarada maaliyaddaba dhamaan shuruucaha maaliyadeed ee dalkani u baahan yahay inaanu dhinacayaga ka istaagno, inaanu noqono cidda ugu horraysa ee u hogaansanaanta iyo inaanu ku caawino khibrad iyo tiknoolajiyad wixii aanu dheernahay. Agaasimaha ayaa ugu dambayntii madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ugu bushaareeyay in shaqaalaha kumanaanka gaadhaya ee u shaqeeya Telesom Group ayay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’addo maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxaana ay hay’addaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba.