X

Trump: Xayiraadii Baraha Bulshadda Iyo Hanjabaadii Loo Diray

Araweelo News Network.

Trump: Xayiraadii Baraha Bulshadda Iyo Hanjabaadii Loo Diray

Washington(ANN)-“kuwani waa waxyaabaha iyo dhacdooyinka dhaca marka guusha aqlabiyadda leh ee doorashada si aan macquul ahayn iyo si xun looga xayuubiyay waddaniyiin waaweyn oo si xun iyo caddaalad darro loola dhaqmay muddo dheer.” Sidaa waxa Bartiisa Twitter kusoo qoray xilli ay rabshado ka socdeen Trump, Madaxweynaha Maraykanka ee lagaga guulaystay doorashadii November 2020.

 

Hase yeeshee Twitter-ka ayaa markii dambe dalbaday in meesha laga saaro qoraalka iyo muuqaalka, waxaana bartaa si ku meel gaadh ah loo xidhay barta madaxweynaha, iyadoo loogu hanjabay in si joogto ah loo joojinayo.

 

Balse Shirkadda Twitter ayaa xayiraadda ka qaaday cinwaanka Mr Trump, 12 saacadood kaddib markii la xidhay, iyadoo sheegtay inuu mar kale uu isticmaali karo maaddaama uu masaxay saddex qoraal oo ay sheegtay inuu meel ka dhac ku ahaa siyaasadda shirkadda.

Trump, ayaa dhankiisa sheegay inuu neceb yahay shirkaddaha tignoolojiyadda ee waaweyn, walaw uu jeclaa isticmaalka Twitter-ka.

Trump ayaa in ka badan 10 sannadood, wuxuu caan ku noqday  isticmaalka Twitterka, isagoo doonaya inuu ku baal maro warbaahinta si uu toos ugala hadlo codbixiyeyaasha, balse waxaan shaki ku jirin in shirkada Twitterka ay ka faa’iiday Madaxweyne Trump, maadaama ay noqotay meel loo doonto waxyaabo cusub.

Warkii uu Twitter-ku ka soo saaray arintan ayuu ku sheegay in “Meel ka dhaca mustaqbalka ee Shuruucda Twitter, uu sababi doono in gebi ahaanba la mamnuuco akoonkiisa@realDonaldTrump.”

Qoraallada Mr Trump ee la xidhiidha eedeymaha aan caddaynta loo hayn ee ahaa in doorashada lagu shubtay ayaa ka mid ah kuwa jebinaya sharcigan, Twitterku hore u soo saaray ee mamnuucaya inaad u isticmaasho faragalinta doorashooyinka iyo hannaanka kale ee arrimaha bulshada.

Madaxa shirkadda Jack Dorsey ayaa sheegay in iyadoo danaha bulshada la eegayo loo daayo akoonkiisa, iyadoo qoraalladiisa shuruucda jebinaya lagu lammaaninayo farriimo digniin ah, marka laga reebo inuu Madaxweynuhu ku baaqo rabshad – taas oo ay hadda shirkaddu aaminsan tahay inay tahay arrinta taagan.

Facebook ayaa sidoo kale hakisay akoonka Mr Trump muddo 24 saacadood ah, waxaana laga yaabaa inuu ka fekerayo in xayiraado dheeraad ah uu mustaqbalka ku soo rogo.

Shirkadaha baraha bulshada ayaa haatanba ka war qaba in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu aaminsan yahay in shirkadaha waaweyn ee tignoolojiyadda aannay wax badan ka qaban ka hortagga wararka been abuurka ah iyo khudbadaha nacaybka ku salaysan.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post