X

Trump Oo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Ku Tilmaamay Geesi

Vladimir Putin iyo Donald Trump Image file Araweelo News Network 15 July 2022.

Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, ayaa amaanay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, isagoo ku sababeeyay amaantaa sida ay ciidamada ruushku duulaanka ay ku qaadeen dalka Ukraine ugu dhex mushaaxeen.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump waxa uu ku tilmaamay hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin mid xariif ah, isagoo dhinaca kale marka la eego ficilkiisana ku tilmaamay Putin mid aad u caqli badan.

David Frum oo hore uga soo shqeeyay Aqalka Cad, xilligii Madaxweyne George W. Bush, haatana wax ku qora Majaladda The Atlantic ee fadhigeedu yahay cariga Maraykanka, ayaa sheegay in Trump ugu dambayntii ay ahayd in uu eego dhiggiisa Ruushka.

Falanqeeyaha hore u ahaa shaqaale sare oo ka tirsan Aqalka Cad waxa uu intaa ku daray in “Trump aanu saaxiib la ahayn Ukraine iyo saaxiib weyn oo Ruushka ah”.

David Frum ayaa yidhi, Qof walba wuxuu u baahan yahay geesi,” “Donald Trumpna wuxuu ka helay Vladimir Putin.”

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, ayaa marar hore diiday inyy canbaareeyo duulaanka ruushka ee Ukraine, wuxuuna ku eedeeyay dagaalka in ay sabab u yihiin xullufada NATO, kuwaas oo sida uu sheegay ka baxay heshiisyadii hore ee la galay kaddib burburkii midawgii Soofiyeeti iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post