Dave McCormick, Murrashax Jamhuuriga ah Oo Fadhiyay Safka Hore Ee Lagu Toogtay Donald Trump Ayaa Ka Hadlay Wixii Dhacay

#Araweelo_News_Network

Pennsylvania (ANN)- Donald Trump ayaa lagu toogtay meel fagaare ah, isagoo boqolaal taageerayaashiisa ah u jeedinaya khudbad xilli uu socday isu soo baxa lagu taageerayo.

Trump ayaa shaashadaha toos looga daawanayay, isagoo qoorta laga toogtay oo ku dhacay mambarkii fagaaraha uu ku hadlayay, iyadoo markiiba ilaaladiisu isku xeertay goobta oo ahayd fagaare ku yaala Pennsylvania.

Dadka ku sugnaa goobta ayaa markii arrintani dhacday waxay ku noqotay argagax, iyadoo qof walba halkii uu taagnaa fadhiistay, marka laga reebo dhowr oo ku dhowaa oo haween u baddan, kuwaas oo la arkayay iyagoo doonaya innay qabtaan markii uu dhulka ku dhacay. Toogashada ayaa ahayd dhowr xabadood oo laga  soo riday meel sare oo ka baxsan isu soo baxa Trump ka hor inta aysan shaqaalaha Adeegga Sirta ee Maraykanka  goobtaiman oo“dhexdhexaadin” toogashada, sidaa waxa lagu yidhi, bayaan kasoo baxay i hay’adda fulinta sharciga.

https://www.facebook.com/share/v/KqmieuvxAHkbremv/?mibextid=sPqcTx

“Intii lagu jiray isu soo bax ololihii Madaxwaynihii hore ee Trump ee Butler, Pennsylvania, fiidnimadii July13, saacadu markay ahayd 6:15 p.m., nin la tuhunsan yahay ayaa rasaas badan kusoo riday dhanka masraxa, isagoo ka yimi meel sare oo ka baxsan goobta isu soo baxa,” ayaa lagu yidhi. 

Shaqaalaha sirdoona  ayaa isku dayay inuu”dhexdhexaadiyo arrinta, balse bayaanka ayaa lagu sheegay inuu ku dhintay toogashadii.

“U.S. Adeegga sirta ah ( US Secret Service) , ayaa si degdeg ah uga jawaabay tillaabooyin ilaalin ah Madaxweynihii hore Trumpna waa nabad. Hal qof oo daawanayay ciyaarta ayaa ku dhintay, labo ka mid ah dadkii daawanayayna dhaawacyo halis ah ayaa soo gaadhay.

Bayaanka ayaa lagu xusay in  hadda lagu wado oo ay  ku socdaan baadhitaano. iyadoo Ilaalada Adeegga Sirtu ay oggaysiiyeen FBI-da,” Anthony Guglielmi, oo ah madaxa isgaadhsiinta ee Adeegga sirta, ayaa sidaa ku sheegay hadal uu soo saaray.

Musharaxa senate-ka epublican Dave McCormick, oo fadhiyay safka hore ee isu soo baxa Donald Trump Sabtidii, ayaa sheegay in uu arkay “weerarkii degdega ahaa ee lagu qaaday madaxweynaha” iyo qof ka dambeeyay oo u muuqday inuu si xun u dhaawacmay.

McCormick ayaa u sheegay CNN hawada in madaxweynihii hore uu hadda uun ku casuumay masraxa, markii ku dhawaad ​​hal daqiiqo ka dib uu maqlay “xabado halis ah – ilaa todobo ama sideed darbo – kaliya ‘oo rasaas ah ayaa la furay ayuu yidhi.

“Waxay ahayd wax lama filaan ah oo fowdo ah. Adeegga sirta ah ayaa isla markiiba daboolay madaxwaynaha, korkiisa ayay ku boodeen, dadkii badnaana waxay isla markiiba tageen dhulka,” ayuu yidhi McCormick.

Musharaxa Senetka ayaa sheegay inuu eegay garabkiisa oo ay caddaatay in qof la garaacay. Dadka ku xeeran qofka ayaa isku dayayay in ay bixiyaan gargaarka degdega ah, ayuu yirdhi, iyadoo ay ku qaadatay dhowr daqiiqo in gargaar caafimaad la soo galo dadka, sababtoo ah waxay ahayd mid cufan, ayuu raaciyay.

“Laakiin waxaad qiyaasi kartaa in dhacdadan oo kale ay dhacdo, aad bay u adag tahay in la ogaado waxa soo socda. …Waxay u ekayd in rasaastu xagga hore ka soo dhacayso – sidaa darteed bidixda madaxweynaha  meel ku beegan ay ka imanaysay,  taas oo macno samaynaysa sababta qofka iga dambeeya loo garaacay. Laakiin ma hubo in ay sidoo kale jiraan xabbado ka imanayay dhinaca kale, si aad u malaynayso in ay ahayd fowdo iyo jahawareer xilligan,” McCormick ayaa yidhi.

McCormick waxa uu sheegay in isaga iyo ku dhawaad ​​15,000 oo ka mid ah ka soo qaybgalayaashii dadka ay dhex mareen baadhitaanka biraha ka hor inta aannay gelin isu soo baxa

 

Hase yeeshee, lama arkin wax buuq iyo kala yaac oo meesha ka dhacay, wuxuna qof walba isu masaxay dhulka halkii uu taagnaa, iyadoo ilaalada hubaysan ay goobta isku xeereen.

Lama ogga cidda arrintan ku kacday,  wallow saraakiishu sheegeen inuu ahaa hal qof oo meel sare kasoo shiishay masraxa, iyadoo ollolaha Trump iyo Biden uu marayo meel xaasasi ah, isla markaana la saadaalinayo in doorashada Maraykanka ee sannadkan ay tahay tii ugu khatarta iyo absida badnayd.

Warbaahinta qaar oo soo xigganaya Saraakiisha amaanka ayaa sheegaya in goobta laga qaaday Trum, wallow aan si dhab ah loo sheegin sida ay wax u dhaceen iyo xaalladiisa, balse waxa FBI lagu wargeliyay inuu noolyahay Madaxweynihii hore Trump.

Madaxweyne Biden, oo ay doorashadii hore isuku waajaheen dagaal, ayaa xilligan la saadaaliyay in aannu Trump u babac dhigi karin, taas oo noqotay dood xataa xisbiga Dimuqraadiga dhexdiisa ka jirta, waxayna arrintan toogashada ka dhacday Pennsylvania oo ah guriga Xisbiga Dimuqraadiga ee ay sida weyn isu hayaan jamhuuriga.

 

Madaxweyne Biden ayaa arrintan ka hadlay, iyadoo ay durba yeelatay weji shirqool oo la doonayay in lagaga takhaluso Trum ka hor inta aan la gaadhin doorashada, balse jawiga siyaasadda ayaa cakiran, iyadoo ay arrintan sii xoojisay xamaasadii jirtay iyo xafiiltankii laysku seegay tartankii doorashadii tan ka horaysay.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com