Araweelo News Network
DoorashadaSomalia
Mogadishu(ANN)-Doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socota, Waxaana dhamaaday codeynta wareegii koowaad ee Doorashada Madaxweynaha, waxaana la bilaabay tirinta codadka.

Guddoomiyaha Guddida Doorashada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Yuusuf Bayle, ayaa ku dhawaaqay in coddeynta wareegii 1aad dhamaaday.

Wareega koowaad ee Doorashada uu mid kamida Murrashaxiintu helo 219 cod, waxa uu ku guulaysanayaa Kursiga Madaxweynenimada.

Haddii kale oo wareega koowaad cid ku guulaysan waydo tirada Kooramka 219, waxa wareega labaad ee Doorashada u gudbaysa afarta Murrashax ee ugu codka badan,

18 kamid ahaa Musharrixiintii u tartamaysay xilka madaxweyne ayaa ku hadhay wareeggii kowaad waxaana soo baxay Afar Musharrax oo kala ah 1-Xasan Sheekh Maxamuud oo 88 Cod helay 2- Max’med Farmaajo oo 71 cod helay 3-Shariif Sheekh Axmed oo 49 cod helay 3- Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo 37 cod helay, balse Cumar Cabdirashiid Ka Hadlay, waxaana Isu soo Hadhay Seddex murrashax oo u gudahaya wareegii saddexaad.