X
    Categories: Warar

Tirinta Codadka Oo Socota Somaliland Natiijada Codbixintii Doorashadda Oo Si Nabad Ah Usoo Dhamaatay

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Komishanka Cabduqaadir Iiman

Hargeysa(ANN)-Gebi ahaanba waxa soo dhmaanay codbixintii doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee saaka loo dareeray geyiga Somaliland, iyadoo si nabadgelyo ah kusoo dhamaatay.

Goobaha waxa hada ka socota tirinta codadka. Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa sheegay inay guud ahaan doorashadu u dhacday si nabadgelyo ah, marka laga reebo shil ka dhacay goob codbixin oo ku taalla Gobolka Togdheer oo ugu yaraan qof ku dhaawacmay askari ay rasaas ka baxsatay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Cabdulqaadir Iimaan Warsame ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Hargaysa in doorashadu ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay dadweynaha reer Somaliland guteen waajibaadkoodii dastuuriga ahaa.

Guddoomiyaha Komishanka, ayaa  ugu baaqay murrashaxa ku guulaysta doorashada inuu ugu adeego dadka sida loogu adeegay looguna ololeeyey si la mid ah.

 

Dhinaca kormeerayaasha caalamiga ah, ayaa sheegay inay doorashadu u dhacday guud ahaan si wanaagsan, balse waxay xuseen in qaar ka mid ah axsaabtu ku dacwoodeen in dad cod dhiiban lahaa laga hor istaagay inkastoo ay sheegeen in aanay ahayn arrin si baahsan u dhacday.

Guud ahaan waxay sheegeen kormeerayaashu inay ku faraxsanaayeen inay u suurogashay inay wada gaadhaan goobaha codbixinta Somaliland, iyadoo aan wax dhibaato ah la kulmin.

 

Dad Ka badan 700, 000, ayaa la filayaa in ay codeeyaan, kuwaas oo la filayo Inay doortaan Madaxweynihii hoggaamin lahaa Qaranka Somaliland Shanta sanadood ee soo socda.

Natiijada la soco goordhow.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post