Araweelo News Network
Berbera(ANN)Ciidammada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan kooxda hubaysan ee sida naxdinta leh u khaarajiyey Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Allaah ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Maxamed (Casayr) Salaasadii toddobaakan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo saxaafadda la hadlay, ayaa xaqiijiyey in siddeed nin oo kooxda hubaysan ah oo mid dhaawac yahay lagu qabtay hawlgal ciidanku sameeyeen gelinkii dambe ee shalay, kuwaasoo uu xusay in sharciga lala tiigsan doono.
“Hawlgalka waxa ka qaybgalay ciidamo badan oo ay ka mid yihiin ciidammada booliska, millatariga dhulka, ciidanka badda iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee booliska, kaasoo ujeedadiisu ahayd inay qabtaan gacan-ku-dhiiglayaasha qalalaasaha ka ridi gaadhay dalkan (Somaliland),” ayuu yidhi Md. Cali Maxamed Warancadde.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa ay ahaayeen 11 nin, waxaanna la qabtay siddeed nin oo mid dhaawac yahay, waxa lagu daba jiraa saddex nin oo mid ka cararay qorigiisii iyo laba qoryo sita oo aannu filayno in ciidanku gacanta ku soo dhigaan si dhakhso ah (xalay), sharcigana loo horgeeyo.”
Wasiirka Daakhiliga, ayaa sidoo kale sheegay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland yahay mid feejigan, waxaannu yidhi; “Runtii, qarankani waa qaran feejigan oo ku feejigan inuu ilaashado nabaddiisa oo leh bulsho qiimo badan oo la shaqaysa dawladooda iyo amnigaba. Waxa aan uga digayaa ninkasta oo isku daya inuu waxyeelo gaadhsiiyo dalkan inuu qoomamayn doono.”
Wasiir Cali Warancadde, ayaa u mahadnaqay ciidammada kala duwan ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Hawlgal dheer kadib waxaannu ku guuleysanay in aannu qabano gacan-ku-dhiiglayaashii oo aan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo ciidammada qaranka iyo ammaanka ee geesiyaasha ah, mar walbana naftooda iyo dhiiggooda ula diyaarka ah inay ku difaacaan dalkooda hooyo, kana qabtaan wixii xumaan wada.”
Warar soo baxay xalay, ayaa sheegay in ciidammadu ku guulaysteen qabashada saddexda nin ee ka baxsaday hawlgalka lagu qabtay 8 nin oo ka mid ahaa kooxda dishay Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil, balse ma jiro war si rasmi ah u xaqiijiyey arrintaas.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347