X
    Categories: Warar

Tirada Shaqaalaha Hay’addaha Gargaarka Ee Lagu Dilay Soomaaliya Sannadkan Gudihiisa

Araweelo News Network

New York (ANN) Qarammada Midoobay, ayaa shaaca ka qaadday in sagaal xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’adaha gargaarka lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.
Warbixin ka soo baxday Xafiiska isku Dubba-ridka Hawlaha Gargaarka Bani’aadinimo ee Qarammada Midoobay u qaabilsay Soomaaliya (UNOCHA) maalintii Jimcaha, ayaa lagu sheegay in weerarro kala duwan oo lagu bartilmaameedsaday shaqaalaha hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha dalkaas lagu dilay 9 qof oo ka mid ahaa hawlwadeennada samafalka, 11 kalena lagu dhaawacay, halka saddex xubnoodna la qafaashay intii u dhexaysay bilihii January illaa September ee sannadkan 2016.
Waxa kaloo warbixinta Qarammada Midoobay walaac weyn ka muujisay xaaladda amniga shaqaalaha ka hawlgala hay’adaha gargaarka ee ku sugan waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.
“Waxa jira walaac ballaadhan oo Qarammada Midoobay ka qabto badbaadada shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladda ammaanka ee dalkaas, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,” ayaa lagu yidhi warbixinta hay’adda OCHA.
Xafiiska Gargaarka Qarammada Midoobay waxa uu caddeeyey in dhibaatooyinka ammaan-darro ee ka jira Soomaaliya saameyn weyn ku yeesheen nolosha dadka rayidka ah, waxaannu soo jeediyey in la abuuro jewi suurtogelin kara in gargaarka bani’aadanimo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.
Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay walaaca ammaan-darrada ka jirta guud ahaan waddanka Soomaaliya, haddana taas shaqaalaha gargaarka u sii dheer yihiin dhibaatooyin ay mararka qaar kala kulmaan maamul-goboleedyada ka jira dalka.
UNOCHA waxa ay xaqiijisay in dagaalyahannada kooxda Al-shabaab si gaar ah weerarradoodu ula beegsadaan shaqaalaha hay’adaha gargaarka bani’aadanimo ee ku sugan Soomaaliya, isla markaana xubnaha ay afduubtaan ka qaata lacago madax-furasho ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post