X
    Categories: Warar

Tirada Liiska 23 Dal Xujaajtii Dhimatay Oo Kala Badh Iyo Dheeraad U Dhasheen Iran, Masar Oo Kaalinta Labaad Gashay Iyo Somalia Oo Hoosta Martay

Mecca(ANN)Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudigaa, ayaa si rasmi ah u shaacsiay Liiska dadkii Xujaajta ahaa ee ku geeriyooday shilkii ka dhacay Xaramka Khamiistii 09/12/ 1436 Hijria oo ku beegnayd 24 Sep 2015.

Dalka Iran ayaa noqday tirada ugu badan ee ay ka dhinteen Xujaajta ku nafwaayay shilkaa, iyadoo dalka Masar noqday ka labaad 23 dal oo ay kasoo kala jeedaan Xujaajta dhimatay Somalia Xujaajta kaga dhimatay halka hoose kaga jiraan .

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Maamulka magaalada Makka Al-mukarama saacadihii lasoo dhaafay, ayaa lagu sheegay in 769 qof ay ku dhinteen isbuurashadii Xajka ee sanadkan, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga bixiyay jinsiyadaha xujayda dhimatay iyo wadamada ay kasoo jeedaan.

Xujaajta sanadkan ku dhimatay masiibadii ka dhacday Xajka oo si weyn usoo jiidatay indhaha iyo quluubta shucuubta Islaamka, isla markaana si weyn looga murugooday, ayaa kasoo kala jeeda 23 Dal, kuwaas oo Dalka Iran Xujaajtii kaga dhimatay shilkaa ka dhigtay tirada ugu baddan.
Liiska Tirada Dalalka ay kasoo jeedaan Xuujajta ku geeriyootay ee kasoo baxay Dawlada Sucuudiga ah, ayaa kala ah sidan:-
Iraan: 464.
Masar: 75.
Naigeria: 64
Mali: 60
Indonesia: 57
Pakistan: 46
India: 45
Niger: 22
Cameron: 22
Iverycost: 14
Tashaad: 11
Alajazaaโ€™ir: 11
Senigal: 10
Almaqrib: 10
Somalia: 8
Liibiya: 4
Tanzania: 4
Kenya: 3
Tuunis: 2
Burkiino-faaso: 1
Burundi: 1
Hollanda: 1
Banin: 1 Xaaji.

Khasaaraha u danbeeyay ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca 25-kii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo 1990, shil dhacay ay ku dhinteen 1,426, halka sanadkii 1994, waxa ku dhintay 270, sidoo kale 1987, waxa ku dhintay 402, halka sanadkii 2006, ay ku dhinteen Xujaaj gaadhaysa 364, halka sanadkan 2015, tirada dhimashada Xujaajtu gaadhay 769 iyo 934 dhaawac ah.

1921-kii tirada xujaajta ayaa dunida Islaamka ka Xajtay, ayaa guud ahaan ahayd 57, 000. sida ay sheegtay xarunta macluumaadka Sucuudigu (Saudi Central Department of Statistics and Information) isla markaana si weyn loo dareemay muslimiinta sanad walba soo kordhaya, iyadoo saddex sannadood ka hor gaadhay 3.2 milyan, taas oo muujinay korodh xad dhaaf ah, marka loo eego tirada xujaajta sanadkii 1921.

Korodhka Xujaajta ee sannadii u danbeeyay, ayaa khasab ka dhigtay in balaadhin lagu sameeyo Masjidka Maca Almukarama, waxaana Sanadkii u danbeeyay dawlada Sucuudigu qorshaysay in lasii balaadhiyo Masjidka oo lagu daray 400,000 square metres, taas oo u dhiganta (4.3 million square feet), iyadoo qorshuhu yahay inay hal mar waajibaadka Xajka ku gudan karaan muslimiin lagu qiyaasay dhawr million oo ka kala imanaya daafaha dunida. sidoo kale waxa la kordhiyay sannadkan 2015, dhinaca amaanka 100,000, kuwaas oo sugaya maanka, 25,000 hawlwadeenada Caafimaadka lagu kordhiyay iyo 100,000 air-condition si xararada kulaylka ee Cimilada aanay wax u yeelin xujaajta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post