X
    Categories: Warar

Tifaftiraha Bulsho TV oo ka Xog-warramay Gacan-ka-hadal Dhaawac u Gaystay oo uu Kala Kulmay Sarkaal Boolis ah

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Mr. Khadar Macallin Deeq Sheekh Ibraahim oo ah Tifaftiraha guud ee Telefiishinka Bulsho-TV, sidoo kalena ka tirsan bahda wargeyska madaxbannaan ee Saxansaxo, ayaa sheegay inuu ku dhaawacmay dagaal gacan-ka-hadal ah oo uu u gaystay hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Axmed Cali Oday.

Suxufi Khadar Macalin Deeq Sheekh Ibraahim oo falka lagula kacay uga warramay telefiishanka ERYAL TV , ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u dhacay falka dhaawaca loogu gaystay, waxaannu yidhi; “Maanta (shalay) aniga oo ku jira Xarunta Xisbiga UCID ee ku taala Magaalada Hargeysa, ayaa gaadhigaygii waxaan dhigtay halkan Xisbiga hortiisa meel baarkin ah, waxaan u arkayey inay meel baarkin ah ahayd oo aan is idhi halkanba gaadhiga dhigo. Ninkan nabarka ii geystay gurigiisu waxa uu dhinaca Woqooyi kaga dhegsan yahay Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID oo waa laba Al-baab oo isku dhegsan, waxaana weeye ninkani Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Bileyska Somaliland, kaasoo aan filayo in magaciisu yahay Axmed Cali Oday, ninkaasi oo gurigiisu meesha ku yaalay ayaan ku dhaweeyey gaadhigaygii, mana garanayn in uu gurigan ninkaasi leeyahay iyo inay cid kale leedahay midna oo xarunta UCID baarkinkeeda halkii aan ka dhigi lahaa ayuu gurigiisa igaga yar dhawaaday.”
Waxaannu intaas ku daray; “Ka bacdi markii aan ka soo baxay xarunta Xisbiga UCID soo dhammaystay hawshaydii shaqo ee aan ka soo baxay, dabadeeto waxaan u imid gaadhiga ninkan taliyaha ah oo ag taagan gadhigaygii, kadibna wuxuu igu yidhi; “ma adiga ayaa leh gaadhigan iyo maxaad iigu jartay? Waxa aan ugu jawaabay; “Adeer, raali ahoow.” Maadaama uu ahaa nin weyn oo da’ ah, waxaanan u raaciyey waayahay ee haddaba aan ka qaado oo dhinac ayaan is idhi ka dhaaf oo gaadhiga gal, markaa intaas wax ka badani namay dhex marin, ka dib markaan is idhi dhinaca ka dhaaf, balse, waxa uu markiiba dhinaca dhegta bidixda hoosteeda igaga dhuftay Raadaalka Ciidanku ku hadlo oo uu gacanta ku haystay, isaga oo si gacan qabsi ah iigu feedhay ,markaa runtii argagax ayey igu noqotay, waana nin weyn oo waan ixtiraamay isaga oo nabarkii markuu igu dhacay dhiiggu iyaacayo, marka dhakhtarka ayaan tegay hal qodob ayaa la i tolay, cadkuna wuu dhammaaday.”
Ugu dambeyntii Suxufi Khadar waxa uu inta ku daray; “Wali dhaqan caynkan oo kale ah ma arag intii aan saxaafadda ku jiray, waxaanan filayaa horta ciidanka laftigiisu waa ciidankeenii amniga inay ilaaliyaal shaqadoodu ahayd, waanan ixtiraamna saxaafad ahaan ciidanka shaqada ay hayaan ee adag ayaanu ku ixtiraam-naa, markii dhacdadan dhaawacu igu soo gaadhay ee Sarkaalka Ciidanka Bileyska Somaliland ka tirsani i soo gaadhay waan la xidhiidhay madaxda sare ee ciidanka booliska, waxay ii sheegeen inay baadhayaan sababta keentay falkan, ka dib markii ay ii sheegeen inay arrinta ku jiraan baadhisteeda waxaan ka warsugayaa jawaabta ay ka keenaan, haseyeeshe arrintani oo kale wax loo dulqaato ma ahayn isku dhac ayaa ka iman karayey haddii aan anigu markii uu nabarkan ii gaystay u jawaabi lahaa dhibaato ayaa ka dhalan lahayd, balse waan dulqaatay.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post