X

Telefishanka CBA Oo Sheegay in Ay Bixiyeen Lacag Baad Ah Si Xayiraadda Looga Qaado

Agaasimaha Telefishanka Codka Bariga Afrika (CBA), Image Araweelo News Network, 11 Oct, 2022.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Telefishanka Codka Bariga Afrika (CBA), ayaa helay xorriyaddiisa kaddib markii ay Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland xarirtay horaantii September 2022.

Agaasimaha Telefishanka Codka Bariga Afrika (CBA) Cabdikariim Aadan Cadde, ayaa sheegay in ay khasab noqotay in ay bixiyaan lacag dhan $10,000 (tobban kun oo dollar), taas oo sida uu sheegay ahayd mid baad ah.

Cabdikariim wuxuu sheegay in sababta ay lacagtaa sharcidarada ah u bixiyeen ay tahay iyagoo eegaya duruufaha ku xeernaa xadhiga Telefishanka oo waayay cadaalad iyo ciddii ay ka sugayeen garabka oo ahayd Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka gaabiyay in ay xataa hal eray ka yidhaahdaan Madaxda Ururku xadhiga Telefishanka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ilaa 50 suxufi ay ka hawlgelayeen Telefishanka CBA, sidaa awgeed, iyagoo eegaya xorrita-qawlka baahida loo qabo iyo xaaladda lagu jiro, isla markaana dareensan dadkii ku xidhnaa Telefishanka in ay go’aansadeen in ay lacagtaa bixiyaan.

Agaasimaha CBA, Cabdikariim Aadan Cadde, wuxuu u mahadceliyay xarunta qaranka ee xuquuqda Aadamaha oo door weyn ka cayaartay sidii Telefishanku xorriyadiisa u heli lahaa, sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay suxufiyiinta dedaalka ugu jiray sii deynta Telefishanka iyo in xorriyadiisa uu dib u helo CBA iyo cid walba oo ka hawlgashay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post