Hargeysa(ANN)-Xarunta Akadeemiga Nabada iyo Horumarka Somaliland, ayaa soo bandhigtay tartan ay qabanayso oo ahTartan Suugaaneed ku Saabsan nabada.
Qoraal iyo muuqaal lagu ogaysiinayo dadka hibada hal-abuurka leh, isla markaana tilmaamaya shuruudaha looga baahanyahay dadka ka qayb qaadanaya, ayaa u dhignaa sidan:
Ogaysiis: Waxa la ogeysiinayaa dadka leh Hibada hal abuurka ee ku dhaqan Gobolka Sanaag in Akaademiga Nabada iyo Horumarku (Academy for Peace and Development – APD) ay Qaban doonto Tartan Suugaaneed ku Saabsan nabada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Gabayada , Buraanburka , Geeraarka iyo dhammaan Bahda Suugaanta .
Shuruudaha laga rabo tartamayaasha waa sidan:-
- Waa in maansadu abbaartaa Qiimaha Nabaddu leedahay
- Waa inay maansadu qeexi kartaa dhibaatada ay colaadu leedahay
- Waa inay maansadu saxsan tahay xaraf ahaan iyo miisaan ahaanba
- Waa inay tartamayaashu ku soo gudbiyaan cod ahaan iyo qoraal ahaan.
Waxaa lagu soo dirayaa whatsup-ka lambarka hoos ku qoran:-
WhatsApp # 0633111169
Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh lambarada hoose
Omar Adan-0633111169
Ismail Aw Adan- 0633548679
Muuqaalkan hoose ka dhegeyso Ogaysiiska