X
    Categories: Warar

“Tan iyo markii Somaliland lagu dhawaaqay waa markii u horraysay ee Calanka Tawxiidka leh dhulka la dhigo” Af-hayeenka WADDANI

Hargeysa(ANN)-Af-hayeenka Xisbiga Mucaaradka ee WADDAI, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa tilmaamay in taariikhda Somaliland markii u horraysay dhawr iyo labaatan sannadood Calanka Tawxiidka leh ee Qarankan dhulka la dhigay, wuxuuna arrintaa ceebteeda dusha u saaray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Bixii.

Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo maanta warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland ee degganaa deegaanka Badhan ay iyadoo aan cidna kusoo duulin ku wareegeen maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in August 2018, Madaxweynihii hore ee Puntland, magaalada Badhan tegey, isagoo xadhiga ka jaray Jaamacad halkaa laga dhisayo, sidoo kale maalmo ka hor uu Badhan yimi, wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, isla markaana wuxuu xusay in 31 May 2019, ay ciidan tiro badan ku biireen Maamulka Soomaaliya ee Puntland.

“Ciidanka shalay Magaalada Badhan badhtankeed guuto miisaan ku lahayd Ciidanka Qaranka inay  iyagoo xeradoodii jooga oo aanay cidna soo weerarin ay ku briineen Puntland, dhacdadaa iyo saddexda dhacdo eek a horreeyayba waa la daawanaaya” ayuu yidhi, Barkhad.

 “Cimriga Somaliland, wuxuu sanka la gelayaa soddon sannadood, tan iyo markii Somaliland lagu dhawaaqay waa markii u horraysay ee Calanka Tawxiidka leh dhulka la dhigo, dhaliisheeda iyo ceebteedu waa cida talada maanta haysa oo Maadxweynuhu kow ka yahay, wasiirka Arrimaha Gudduhuna lab ku yahay.” Ayuu yidhi, Barkhad.

Waxa kale oo uu sheegay in labadii bilood ee u danbeeyay Wasiirka arrimaha gudduhu ku mashquulsanaa muranka labada xubnood ee Komishanka ee xisbiyadu isku haysteen, waxaana uu sheegay in muddada uu wasiirku ku mashquulsanaa xubnahaa ay galbatay Sanaag Bari.

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI, Barkhad, wuxuu ka hadlay sidoo kale collaadaha soo noqnoqday ee deegaanka Ceel-afweyn, wuuxuna ugu baaqay Bulshada inay qaranimadooada ilaashadaan.  

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post