X

Talyaaniga Oo Malaayiin Dolar Ku Caawiyay Soomaaliya

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, aaya dhaqaale dhawr milyan oo dollar ka heshay dawladda Talyaaniga, lacagtaas oo wax lagaga qabanayo Cusbataalada dalka.

 

Wasiirka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Abubakar, ayaa hishiiska deeqdaa la saxeexatay Danjiraha Dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Ambassador, Alberto Vecchi.

Heshiiska lagu bixinayo mashruucaa oo dhan  lacag 3 million Euros, ayaa u dhigma 3.63951 million U.S. dollars, waxayna  Marwo Foosiya sheegtay in lacagtaas lagu qalabaynayo Cusbitaalada dalka qaarkood.

Wasiirka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Abubakar iyo Danjiraha Dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Ambassador, Alberto Vecchi oo hishiiska deeqdaa kala saxeexanaya. Image File Araweelo News Network. 15 Feb 2021. Muqdisho Somalia.

“Heshiiskan waa mid dowladda Talyaaniga ay ku kaalmaynayso  Somalia oo aad ugu muhiimsan labadii sannadood ee u dambeeyay, waxaan ku faraxsanahay maanta markii uu dhamaaday heshiiska inaan soo tusinay safiirka iyo wafdigiisa kaleba lacagahoodii meelaha ay gashay oo ah meelaha aan kaalmada uga baahanahay, Sida Cusbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo dhallaanka, qeybta lagu daryeelo carruurta hadda dhalatay, waxa ay ka mid tahay goobaha lagu dhisay lacagta ay bixisay dowladda Talyaaniga iyo qalabayntooda” ayay tidhi, Dr Fowsiya.
Ambassador, Alberto Vecchi ayaa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha Cusbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, wuxuuna xusay in aannay ahayn kaalmadii u horaysay, isla markaana aannay noqonayn kaalmadii u danbaysay ee dawladda Talyaaniga ka timaada.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post