Araweelo News Network.
Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, aaya dhaqaale dhawr milyan oo dollar ka heshay dawladda Talyaaniga, lacagtaas oo wax lagaga qabanayo Cusbataalada dalka.
Wasiirka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Marwo Fawsiya Abubakar, ayaa hishiiska deeqdaa la saxeexatay Danjiraha Dawladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Ambassador, Alberto Vecchi.
Heshiiska lagu bixinayo mashruucaa oo dhan lacag 3 million Euros, ayaa u dhigma 3.63951 million U.S. dollars, waxayna Marwo Foosiya sheegtay in lacagtaas lagu qalabaynayo Cusbitaalada dalka qaarkood.
“Heshiiskan waa mid dowladda Talyaaniga ay ku kaalmaynayso Somalia oo aad ugu muhiimsan labadii sannadood ee u dambeeyay, waxaan ku faraxsanahay maanta markii uu dhamaaday heshiiska inaan soo tusinay safiirka iyo wafdigiisa kaleba lacagahoodii meelaha ay gashay oo ah meelaha aan kaalmada uga baahanahay, Sida Cusbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo dhallaanka, qeybta lagu daryeelo carruurta hadda dhalatay, waxa ay ka mid tahay goobaha lagu dhisay lacagta ay bixisay dowladda Talyaaniga iyo qalabayntooda” ayay tidhi, Dr Fowsiya.
Ambassador, Alberto Vecchi ayaa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan tageerada ay ku bixiyaan dhismaha Cusbitaalada iyo hagaajinta adeegyada caafimaad ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, wuxuuna xusay in aannay ahayn kaalmadii u horaysay, isla markaana aannay noqonayn kaalmadii u danbaysay ee dawladda Talyaaniga ka timaada.