Araweelo News Network
colfaysalxiis

Hargeysa(ANN)Taliska Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay dhacdadii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro loogu diiday Booqashada Laba Maxbuus oo ku xidhan Saldhiga Dhexe ee Hargeysa oo kala ah Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Weriye Cali Mahdi Jirbiil oo ah Suxufi ka hawlgala Tv-ga Kalsan.

Labada maxbuus ayaa lagu eedeeyay weerar gacan ka hadal ah oo dhaawacyo loogu geystay Aqoonyahan Jaamac Jiir, iyadoo Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Xisbi mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ku eedeeyay Booliska inay u diideen inuu booqdo maxaabiistaa, isla markaana qoryo ku qabteen.

Hase Yeeshee Col. Faysal Xiis oo ka tirsan Saraakiisha Booliska, ayaa ka hadlay arrintaa, wuxuuna waxba kama jiraan ka dhigay in Gudoomiyaha lagu qabtay qoryo.

Halkan Ka Daawo

https://youtu.be/cdRQKVN55cU