X
    Categories: Warar

Tallaabadda U Horaysa Ee La Filayo Inuu Go’aan Kasoo Saaro Guddoomiyaha Maxkmadda Sare Ee Somaliland Oo Baarlamaanku Wadajir U Ansixiyay

Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Labada gole Baarlamaan ee Somaliland Guurtida iyo Wakiillada, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay, isla markaana ogolaaday Magcaabista Madaxweyne Siilaanyo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda sare dhawaan ugu magcaabay Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo noqonaya Guddoomiyihii ugu da’ada yaraa ee soo mara Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Fadhiga wadajirka ah ee ay yeesheen labada gole Baarlamaan maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxay mudanayaashu si buuxda ugu ogolaadeen magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed.

Fadhiga Labada Gole waxa kasoo xaadiray 122 xildhibaan, waxaana cod loo qaaday guddoomiyaha Maxakamadda Sare ku ogolaaday 110 mudane, 11 Mudane, ayaa ka aamusay, mana jirin cid diiday, iyadoo guddoomiyuhu aanu codayn, sidaana waxa lagu ansixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali oo Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabay dhowaan. Kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa la filayaa inuu go’aan kasoo saaro muranka siyaasadeed ee ka aloosan heshiiska axsaabta siyaasadu dhowaan gaadheen ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka dib u dhacay iyo go’aanka golaha Guurtida ee muddo-kordhinta oo is khilaafsan, taas oo sababtay inay isku dhacaan xukuumadda iyo axsaabta qaranka oo isku dhinac ah iyo Golaha Guurtida oo ku tilmaamay heshiiska sadexda Xisbi mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka Dalka oo aanay marnaba aqbalayn.

Heshiiska sadexda Xisbi dhowaan isla gaadheen si meesha looga saaro muran ka dhashay Go’aanka Golaha Guurtida ee Muddo-kordhinta, ayaa noqday mid khilaaf horle sii abuuray. Kadib markii golaha Guurtidu gaashaanka ku dhifteen, isla markaana ku tilmaameen mid aan waxba ka soconayn, iyagoo ku dooday in aanay axsaabtu xaq iyo sharci midna u lahayn inay go’aankooda wax ka beddelaan. Sidaa awgeed waxa keliya ee lagu dhaqmayaa uu yahay go’aankooda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post