X
    Categories: Warar

Taliyihii Xabsiga Tacadiyada Ee Jeel Ugaadeen Oo La Qabtay

Taliyihii Jeel Ugaadeen

Addis Ababa (ANN)- Dowladda Ethiopia, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay sarkaal hore uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee Jigjiga ee nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaanno Xasan dheere ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyu Booliska, waxa uuna hore usoo qabtay xilal kala duwan oo sar sare, isagoo mar hore u ahaa hoggaankii nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna ahaa guddoomiyihii dhinaca asluubta.

Ninka la qabtay oo in muddo ah lagu raad joogay ayaa loo heystaa gabood fallo dhacay intii ay jirtay xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Illay, balse markii ay dhacday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii baxsatay ee ku jiray dhuumaalaysiga, waxaana laga soo qabtay magaalada Goldogob oo ka tirsan dhulka Soomaalida Ethiopia.

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Ethiopia ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xidhiidha gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed. Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Xasan Dheere ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 ruux oo xeer ilaaliyaha dalka Ethiopia uu amar ku bixiyay in lasoo xidho, si caddaaladda loo hor geeyo, iyadoo lagu eedeynayo sarakaalkan inuu mas’uul ka yahay tacaddiyadii ugu badnaa ee ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xabsiga caanka ku ahaa xad gudubyada ee loo yaqaanno Jeel Ogaadeen oo markii ay meesha ka baxday dawlad goboleedkii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee la xidhay cabdi Maxamuud Cumar la xidhay, isaga iyo xabsigaa oo tacadiyada ugu badan loo tirinayo inay ka dhaceen mudadii uu xilka hayay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post