X
    Categories: Warar

Taliyihii Socdaalka Madaarka Muqdisho Oo Toogasho Lagu Dilay Badhatama Muqdisho

Mogadishu(ANN)Taliyihii Ciidanka Laanta Socdaalka Madaarka Muqdisho Maxamuud Cabdi Caddow oo ku magac dheeraa (Dhabareey), ayaa si badheedh ah loogu toogtay Badhtamaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah, ayaa sheegat in sarkaalkaa ay toogasho la beegsadeen dablay hubaysan, kuwaas oo tacshiirad rasaas ah Taliyaha Amaanka Madaarka la beegsaday kadibna uu sidaa ku geeriyooday.

Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay weerarkaa oo ay ku tilmaameen mid ay fuliyeen ciidamadooda hawlgalada khaaska ah fuliya.

Waa weerarkii labaad ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Maanta, iyadoo Xildhibaan Dalxa ka badbaaday weerar la doonayay in lagu khaarajiyo Xamar Jajab, waxayna weeraradani kusoo beegmeen xili ay si weyn u ruxayso Magaalada Muqdisho xiisad ka taagan khilaafka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo maanta Baarlamaanku ku guuldaraystay in ay cod u qaadaan. Kadib markii kulankaa la xidhay khilaaf gacan ka hadal ah oo dhexmaray xildhibaanada labada dhinac ee mooshinka ku kala aragti duwan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post