X
    Categories: Warar

Taliyihii Qaybta Booliska Berbera Oo Toogasho Lagu Dilay

Araweelo News Network

Berbera(ANN)Allah ha u naxariistee waxa toogasho lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil Gaashaanle. Casayr Maxamuud Maxamed.
Saraakiisha Booliska, ayaa xaqiijiyay ilk a Taliyaha, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan in koox dablay ah oo Boolisku daba joogeen geysteen dilkiisa. Kadib markii taliyaha iyo ciidan uu watay hawlgal ay doonayeen in lagu soo qabto kooxdaa ka fuliyeen meel aan ka fogayn deegaanka Berbera oo qiyaastii 30km dhinaca bari kaga beegan Berbera, balse warar kale ayaa sheegaya in dilka Taliyuhu qaabka uu u dhacay aanay sidaa ahayn, iyadoo lala xidhiidhiyay shirqool la doonayay in isaga lagu khaarajiyo.

Xukuumadda Somaliland iyo Taliska Booliska ayaan weli ka hadlin dhacdadaa naxdinta ah, mana jiraan warar si dhab ah u sheegaya sida uu falkaasi u dhacay.

Balse ehelada Qoyska ayaa xaqiijiyay dilka Taliyaha uu ka dhacay deegaanka duleedka berbera,iyadoo maydka Taliyaha galabta casarkii dhinaca Magaalada Berbera la geeyay.
Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post