Araweelo News Network

TaliyahaBooliska Ceergaabo Cabdirisaaq Casayr Maxamuud MaxamedBerbera(ANN)Allah ha u naxariistee waxa toogasho lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil Gaashaanle. Casayr Maxamuud Maxamed.
Saraakiisha Booliska, ayaa xaqiijiyay ilk a Taliyaha, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan in koox dablay ah oo Boolisku daba joogeen geysteen dilkiisa. Kadib markii taliyaha iyo ciidan uu watay hawlgal ay doonayeen in lagu soo qabto kooxdaa ka fuliyeen meel aan ka fogayn deegaanka Berbera oo qiyaastii 30km dhinaca bari kaga beegan Berbera, balse warar kale ayaa sheegaya in dilka Taliyuhu qaabka uu u dhacay aanay sidaa ahayn, iyadoo lala xidhiidhiyay shirqool la doonayay in isaga lagu khaarajiyo.

Xukuumadda Somaliland iyo Taliska Booliska ayaan weli ka hadlin dhacdadaa naxdinta ah, mana jiraan warar si dhab ah u sheegaya sida uu falkaasi u dhacay.

Balse ehelada Qoyska ayaa xaqiijiyay dilka Taliyaha uu ka dhacay deegaanka duleedka berbera,iyadoo maydka Taliyaha galabta casarkii dhinaca Magaalada Berbera la geeyay.
Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network