TelesomdahabshiiltanzilSmiley face<90

Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Maraykanka Oo Sharaxay Qaabka Ay Ciidamada Israel Ugu Jabeen Dagaalka Qaza Iyo In Aannay Awoodin Dagaalka Hisbullah

Netanyahu Wuu Ka Baqay Dagaalka HisbullahLarry Johnson, Taliyihii hore ee CIA

Bariga Dhexe

#Araweelo_News_Network

Washington(ANN)-Taliyihii hore ee Hay’adda CIA ee Sirdoonka Maraykanka, Larry Johnson, ayaa si cad u sheegay cabsida soo waajahaday in Ra’iisal wasaaraha Israel Netanyahu aannu awooddin inuu dagaal ku waajaho Xisbullaah oo ah kooxda Millateri ugu Awoodda baddan gobolka.

Waraysi uu warbaahinta siiyay xalay ayuu kaga hadlay khatarta ay waajahay Israel haddii ay dagaal la gasho Xisbullaah, isagoo sabab uga dhigay dhibaatooyinka ay shacbiga Falastiin u geysteen IDF, dagaalka Qaza ee Xamaas iyo Israel oo sideed bilood ka baddan socday, balse aannay jirin wax guul ah oo ka gaadheen Ciidamada Israel.

Larry Johnson, wuxuu sheegay in xilligan aannay Ciidamada Israel ee IDF, awooddin innay galaan dagaal kale, iyagoo maray dariiqii ay ciidamada Jarmalku ku jabeen, weliba ay dagaal la galaan Xisbullah oo ka awood baddan Xamaas iyo Jihaad, sidaa awgeed wuxuu sheegay in guddaha Israel ay ka jirto cabsi weyn oo aad u daran, “Ciidamada Israel ee IDF, waa daaleen, Netanyahu wuu ka baqay inuu la dagaallamo Xisbullah” ayuu yidhi.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Maraykanka, wuxuu sheegay in xataa marka laga yimaado cabsida guddaha Israel ee sii xoogaysanay maalmihii u danbeeyay markii Ra’iisal wasaaraha Israel Netanyahu sheegay innay Lubnaan gelayaan si ay kooxda Millateriga awoodda baddan ee Xisbullaah ugu qaadaan dagaal.

Jerry, wuxuu sheegay in marka la eego Ciidamada Israel ku faanto aannay u muuqan kuwo akhlaaqiyaad leh oo tababaran, taas ayaana keentay ayuu yidhi, innay shacabka laayaan oo aannay u meel deyin duqaymaha, “Israel Ciidamadeeda IDF, waxay faafiyaan muuqaalo been ah, mana aha kuwo akhlaaq leh, Xamaas waxay haystaan maxaabiis ay qabteen Oct, wayna ka badbaadiyeen duqaymaha IDF, ma laayaan shacabka iyo maxaabiista ay qabtaan, laakiin Ciidamada Israel waxa la arkayay sida ay ula dhaqmayaan maxaabiista ay qabtaan iyo weliba shacabka, ayuu yidhi, isagoo sawir ka bixinaya sida ay u kala duwan yihiin labada dhinac ee dagaalamaya.

“Cabsida ka jirta guddaha waxa dheer in Ciidamada Israel ay daaleen, waxay u baahan yihiin innay nastaan caafimaadkooduna ma wanaagsana oo waxa jira dhibaatooyin nafsi ah oo kasoo gaadhay dagaalka Qaza ee aan weli dhammaan.” ayuu yidhi, Lerry Johnson.”

Taiyihii hore ee Sirdoonka Maraykanka oo inta baddan ka faallooda dagaalada xilligan ee Ukraine iyo Bariga dhexe, ayaa tusaale usoo qaatay wixii ku dhacay Ciidamadii Jarmalka ee ugu awoodda badnaa Yurub, ka hor intii aan loo quus g goyn, wuxuuna isagoo Ciidamada Israel barbar dhigaya yidhi, ” Reer binu Israel waxa ay ku baraarugeen xaallad la mid ah tii Ciidamadii Jarmalka ee awoodda badnaa”Wehrmacht” ee dagaalkii labaad ee aduunka dhexmaray Yurub, markii ay askarta Jarmalku ogaadeen in ay noqdeen bahal, dila carruurta, dhallaanka, haweenka da’da yar, iyo haweenka waaweyn ee u ekaa hooyooyinkood. Waxay taasi u geysatay dhaawac maskaxeed oo aad u weyn waxayna ka dhigtay kuwo aan waxtar lahayn. Taasi waa waxa ku dhacaya IDF.” ayuu yidhi.

Larry C. Johnson waa ruug-caddaa ka tirsan CIA (Central Intelligence Agency).  iyo Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xafiiska La-dagaalanka Argagaxisada. sidoo kale, waa maamulihii iyo aasaasihii kooxda BERG ee Maraykanku sameeyay 1988, isagoo muddo 24 sannadood ah ku shaqaynayay, isla markaana bixinayay tababaro la xidhiidha arrimaha sirdoonka hawlgalada qarsoodiga ah.

Waxa xusid muddan in muddadii uu socday dagaalka Qaza uu marar baddan ka digay in aan Israel iyo xulufadeedu guul ka gaadhayn dagaalka, isagoo taas beddelkeeda muujiyay cabsida iyo wer-werka uu ka qabo inuu dagaalku ku fido gobolka iyo meelo kale oo ka baxsan, sida xilligan muuqata ee dagaalku sababay in laga caaggo marrinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo gacanka Caddan ee dalka Yemen oo Xuutiyiintu ku hayaan weeraro aan kala go’ayn maraakiibta badeecaddaha sida ee isaga goosha dunida iyo saamaynta dhaqaale iyo amni ee dagaalku sababay.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

More in Breaking News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *