X
    Categories: Warar

Taliyihii Hore Ee Ciidamada Turkiga Oo Qirtay Inqilaabkii Shacbigu Fashiliyeen Iyo Tallaabooyinkii U Danbeeyay Madaxweyne Erdogan

Araweelo News Network

General Akin Ozturk

Ankara(ANN)Taliyihii hore ciidamada cirka ee Turkiga ayaa qirtay inuu qorsheeyay afgambigii milatariga ee toddobaadkii hore ee guuldaraystay, wakaalada wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolus ayaa sheegtay. qirashada Taliyihii hore ee inqilaabkii fashilmay.

Jeneral Akin Ozturk, ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay baadhayaasha inuu doonayay sidii uu dowladda afgambi ugu samayn lahaa., isagoo hore u diiday inuu hoggaamiyay afgenbiga, balse uu ka shaqeeyay sidii uu u joojin lahaa.

Hase yeeshee Muuqaalada Sawiro jeneraalka laga qaaday oo lagu baahiyay Wakaalada Wararka ee Anadolu waxa ka muuqda dhaawacyo laga arkayo madaxiisa iyo qaarka hore jidhkiisa.

Wakaalada Anadolu ayaa horaantii sheegtay inuu ka mid yahay ciidamo jeneraalo ah oo la xidhay, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa kow iyo toban.

Ciidamada ayaa weli ku guraya xabsiyada dadka lala xidhiidhiyay inqilaabka dhicisoobay, waxaana tirada xabsiyada loo ttaxaabay gaadhay toddobo kun oo qof oo u badan ciidamo iyo saraakiil kale oo dawlada ah, iyadoo dadka la xidhay qaarkood yihiin ganacsato iyo culimo wadaado ah.
wararka ayaa sidoo kale sheegaya In ka badan siddeed kun oo boliis ah oo shaqada laga joojiyay, iyadoo laga qaaday hubka, waxaana la hakiyay Fasaxii ay qaadan lahaayeen saddex milyan oo shaqaalaha dowladda ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga Mr. Racep Tayyip Erdogan, ayaa ballanqaaday inuu meesha ka saari doono kooxaha ku xididaystay millatariga iyo hay’adaha kala duwan ee dalkiisa ee aaminsan afkaaraha cilmaaniga ah, kadib markii lagu guul-darraystay inqilaab qaybo ciidanka ka mid ah ku doonayeen inay xukunka kaga tuuraan xukuumaddiisa Jimcihii toddobaadkan.

Madaxweyne Erdogan oo ka qaybgalay aas heer qaran ah oo loo sameeyey dadkii ku dhintay hawlgalkii dhicisoobay, isla markaana xejisan kari waayey ilmo indhaha ka qubanaysay Axaddii shalay, waxa kaloo uu caddeeyey inuu xididada u siibi doono taageerayaasha ku dhex jira hay’adaha dawliga ee la fikirka ah wadaadka la lala xidhiidhiyay inqilaabka dhicisoobay Sheekh Fethullah Gulen oo mustaafuris ugu maqan dalka Maraykanka, kaasoo lagu eedeeyey inuu qayb ku lahaa abaabulka isku daygii afgambi ee fashilmay.

“Waxa aan dalka ka nadiifin doonaa kooxaha fayraska (virus) cudur-dhaliyaha ee taageerayaasha u ah (wadaadka) iyo kuwa ku lugta lahaa inqilaabka… Annagu ma doonayno in aannu cidna ka aargudanno amma aannu qaadno tallaabooyin aarsi ah, haddii ay haystaan hub iyo taangiyo (kooxda ciidanka ee inqilaabka sameeyey), annaguna waxaannu leenahay iimaan,” ayuu yidhi Madaweynaha Turkiga.
Waxa kaloo uu sheegay in inqilaabka fashilmay ahaa hadiyad uga timmi dhinaca Ilaahay, taasoo uu u xusay inay u fududayn doonto sidii uu millatariga dalkiisa uga sifayn lahaa kooxaha ka soo horjeeda xukunkiisa dimoqraadiga ah.

Sida masuuliyiin kala duwan oo Turkiga ah sheegeen, ugu yaraan lix kun (6,000) qof oo isugu jira millatari, kooxo taageersan wadaadka eedaynta loo jeediyey iyo garsoorayaal ka hawlgala maxkamadaha dalkaas, ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo lagu wado baadhitaanno la xidhiidha inay ku lug lahaayeen inqilaabkii la doonayey in lagu afgambiyo xukuumadda Madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale, ugu yaraan 265 qof oo isugu jira ciidan iyo rayid, ayaa ku geeriyooday hawlgalkii inqilaabka ahaa, iyadoo dadkaasna aas qaran loogu sameeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga shalay, waxaanna aaskaas ka qaybgalay Madaxweyne Erdogan oo ilmo qoysay indhihiisa, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay hawlgalkii dhicisoobay ee la doonayey in lagu sameeyo afgambiga xukuumadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post