X
    Categories: Warar

Taliyihii Ciidanka Birmadka Ee Berbera Oo Toogasho Lagu Dilay

Araweelo News Network

Berbera(ANN)Taliyihii Ciidanka Booliska Burmadka ee Berbera Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo), ayaa la toogtay saaka Magaalada Berbera. kadib markii ay dhamaatay xaflad ay Taliyaha cusub ee Gobolka Saaxil iyo Taliyihii hore xilka kula kala waregayeen.

 
Taliyaha cusub ee Qaybta Booliska Degmada Berbera Cabdirasaaq Yuusuf Maxamed (Casayr)ayaa ka hadlay dilka saaka loo gaystay Taliyii ciidanka Bemadka Magaalada Berbera, waxaanu sheegay in ay gacanta ku hayaan Cabdirisaaq Maxamed Khayre (Gadhmale) oo uu sheegay inuu yahay Askariga dilkaa geystay.

Taliyaha Boolisku ma sheegin sababta keentay dilkaa, balse waxa uu warbaahinta u sheegay inay wadaan baadhis oo aanu ka hordhacayn.

Dhinaca kale Boqolaal qof oo shacab ah, ayaa kusoo buuqay Saldhiga Booliska Berbera markii uu dhacay dilku, iyadoo dadkaas oo qaarkood mudaharaad sameeyeen ay Boolisku xabsiga dhigeen.

Dilalka Saraakiisha Booliska iyo Milateriga Somaliland, ayaa muddooyinkii u danbeeyay soo noq-noqonayay, iyadoo aan ilaa hadda wax natiijo ah laga hayn sababta dhlisa dilalka sidan oo kale ee Askartu kula kacayaan saraakiishooda, taas oo ah dhacdo ku cusub Somaliland.

Hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Bilihii lasoo dhaafay mar uu ka hadlayay dhacdooyinkan oo tii ugu danbaysay ahayd Askari Laba Sarkaal oo Milateriga ah ku dilay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, wuxuu sheegay inay khuburo Caalami ah usoo kaxaysteen si loo baadho arrimahan soo noqnoqonaya ee dilalka saraakiisha oo ku cusub Somlailand, balse ilaa hadda ma jirto wax natiijo ah oo kasoo baxday khuburada uu xiligaa sheegay wasiirka Gaashaandhigu inay u dalbadeen baadhitaanka arrimahaa.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post