X
    Categories: Warar

Taliye Ku Xigeenkii Laanta Socdaaalka Somaliland Gaashaanle Sare Sablaale Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa(ANN)Taliye ku xigeenki Ciidanka Socdaalka Somaliland Gaashaale Dhexe Maxamed Saleebaan Xasan, ayaa xabsiga loo taxaabay maanta, sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay warar laga helay saraakiisha laanbta socdaaalka Somaliland.
Lama ogga sababta rasmiga ah ee xadhiga Taliuyaha Laanta Socdaalka Somaliland, balse wararka la xidhidha xadhigiisa ayaa sheegay in isaga iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Col Cànbaro saaka la kulmern Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Càli Warancade. Kadib Wasiirku amar ku bixiyay in la xidho Taliye ku xigeenka Socdaalka Somaliland Gaashàanle Maxamed Saleebaan Xasab (Sablaale).sidaana lagu xidhay.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino xadhiga Taliye xigeenka ayaanay noo suurta gelin, balse Taliyaha Laanta socdaalka Col. canbaro ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in aanu waxba kala socon xadhiga Taliye ku xigeenkiisa.
Xadhiga Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland ayaan la ogayn inuu waafqsanyahay qaanuunka dhawrsanaanta nidaamka sharci ee masuuliyada xilka uu hayo.
Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post