X

Somaliland: Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka Oo Ka Waramay Dagaal Saddex Jiha Ah Oo Ka Dhacay Laascaanood

Sareeyo Gaas Nuux Taani, Image Araweelo News Network, 16 May 2023.

#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay dagaalo maantaoo Salaala ah ka dhacay  aagag kala duwan oo duleedka Magaalada Laascaanood ah.

Taliye Nuux Taani oo warbaahinta kula hadlay Taliska Guud ee magaalada Hargeysa Tuulada Dhaban-saar  25 km ayay Galbeed ka xigtaa laamiga dhinaca Addhi-cadeeye, waxa soo galay halakaa ciidan watay soddoneeyo gaadiidka Tugnikada ah, waxay doonayeen inay jidgooyo ka galaan oo taakulaynta ciidanka Qaranka jaraan, ayuu yidhi.

Sareeye Gaas Nuux Taani, wuxuu sheegay in ciidanka qaranku ka hortegey, isla markaana dagaal ka dhacay Tuuladda Dhabar-saar, dagaalka oo sida uu sheegay in uu dhacay saaka xilli hore Lixdii, balse lagu jebiyay malayshiyadii doonayay inay jidgooyada ka sameeyaan halkaa.

Malayshiyada ayuu sheegay in markii la caydhiyay ay u carareen dhinaca Bali-hadhac, waxaana la wareegay Tuuladda Dhabar-saar Ciidanka Qaranka Somaliland sida uu sheegay.

Hase yeeshee Taliye Nuux Taani, wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalo kale ka dhaceen Galbeedka iyo Bariga Laascaanood, kuwaas oo sida uu xusay ahaa dagaalo culus a, waxayna sidoo kale dagaalo culus, “Waa lagu jebiyay Bariga iyo Galbeedkaba qaybtii hore ee dagaalka, khasaare wuu dhacayaa dhimasho way imanay. laakiin waa lagu jebiyay dhawrkaa dagaalba, ciidanka qarankuna guul ayuu kasoo hooyay” ayuu yidhi.

 

 

Dagaalada ayuu sheegay in ujeedada laga lahaa ay ahayd in lagu carqaladeeyo xuska maalinta 18May ee lagu jiro diyaargarawgeeda, wuxuuna balanqaaday in  Ciidanka qaranku iyagoo xusaya maalinta qaranka ee qiimaha baddan ay qarankoodana difaacatyaan, wuxuuna shacbiga ugu baaqay in aannay ka werwerin.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post