X
    Categories: Warar

Taliyaha Guud Ee Booliska Iyo Guddoomiyaha Ku Mee-gaadhka Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Weerrartay Guriga Murashax Ciro

Araweelo News Network

Gen. Cabdullaahi Fadal Iimaan

 

Hargeysa(ANN)-Taliyaha Booliska Somaliland jeneral Cabdullaahi Fadal Iyo Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee WADANI Cabdulqaadir Ismaaciil Jirde, ayaa ka hadlayweerrar xalay lagu qaaday guriga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro oo ku yaal koonfur Galbeed Magaalada Hargeysa.

Gudoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADANI, Cabdulqaadir Ismaaciil Jire, ayaa Idaacada   BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay xalay soo weerrareen guriga Cabdiraxman Ciro.

Cabdulqaadir Jirde,  ayaa sidoo kale sheegay  in dhallinyaradaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada uu ka dhexeeyo, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga.

Dhinaca kale Taliyaha guud ee ciidammada Booliska  Somaliland Gen. Cabdulaahi Fadal Iimaan, ayaa dhinaciisa u sheegay  BBC-da  in falkaasi loo soo qabtay Afar qof  dhallinyaro ah iyo baabuur, isla markaana  ay wadaan baadhitaan la xidhiidha  arrintaa, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona ku hanjabay  in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda falalka noocaa  oo kale ah.

Sidoo kale Gen. Cabdullaahi Fadal iimaan,  ayaa  sheegay in isla xalay ay qabteen dhallinyaro weerartay xafiis xisbiga kulmiye uu ku leeyahay xaafadda sheekh Madar ee magaalada Hargeysa .

Maalmihii u danbeeyay intii ay ka bilaabmeen maagaalooyinka Somaliland isu soo baxyada ay axsaabta qaranku ku muujinayaan taageeradooda, Waxa soo baxay falal foolxumo ku ah nidaamka tartanka, kuwaas oo abuuri kara dhibaatooyin dhanka ammaanka ah.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post