Araweelo News Network
Saylac(ANN)Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Gobollada Galbeedka Dhamme Maxamed Yuusuf “Otor” ayaa jawaab kulul ka bixiyay gardarada qaawan ee Ciidamada Djibouti todobaadkan kusoo qaadeen Jasiirada Ceebaad ee xeebaha galbeedka Somaliland oo sababtay dhimashada hal askari oo u dhashay Somaliland .
Taliye Maxamed Yuusuf Ottor, wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaaqayo deelqaaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland oo Djibouti ka bixisay gardarada ay ku kacday, isagoo sheegay in ay Ciidanka Qaranka Somaliland ee Ilaalada Xeebaha ku sheegeen Malayshiyo dhinaca Somalia ka yimi oo ay is heleen Ciidankooda.
Mr. Yuusuf Ottor oo saaka warbaahinta kula hadlay magaalada xeebeebta ah ee Saylac, wuxuu dhaliilay Masuuliyiinta Xukuumadda ee dhacdadaa kala xaajoonaya dawlada Djibouti, kuwaas oo uu sheegay inay Djibouti tageen, iyagoo aan halkii wax ka dhaceen iyo Maydka Askariga Ciidanka ka dhintay soo marin.
Waxana Taliye-Otor isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Anigu Saylac baan joogaa Soomaaliyana ma ahi ee Somaliland baan ahay, mana yeelayo Afka ay Djibouti ku hadlayso, inta ya afkaas ku hadlaysona ma ahi nin u xoodanaya ama horteeda tegaya, Kamana aqbalayno cidnaba Soomaaliya ayaa tihiin waayo taasi waxay xaqiraad ku tahay qarannimada Somaliland”.
Taliyaha Ciidammada Ilaalada Xeebaha Galbeedka Somaliland, Dhamme Yuusuf Otor, isagoo ka hadlaya waanwaan arrintaas ay ka wadaan Masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dawladda Djibout-na wuxu yidhi, “Weftiga Somaliland iyo Kuwa Djibouti ee iyagoo aan iman ama arag goobtii Djibouti weerarka gar-darrada ah kusoo qaadday ee gudaha Somaliland haddana ka Wada hadlaya Arrintii Weerarka Djibouti ee ay rasaasta madaxa kala dheceen ciidammada ilaalada Xeebaha arrintaas waxan u arkaa in Djibouti waddo Midho Daray Duuduub baa lagu liqaa, mana aha mid aanu ka yeelayno marnaba”. ayuu yidhi Ottor.
wuxuuna intaa ku daray in Djibouti jartay dabarkii nabadgelyada, isagoo yidhi, Taliye-Otor “Djibouti dabarkii nabadgelyada iyagaa gooyey oo weliba tiiq-tiiqsi kusii daraya annaguna waxannu leenahay mid noo gaar ah xidhi mayno lamana heshiinayno ilaa inta ay carrabka ku dhejinayaan malleeshiyaad Soomaaliya u cararay iyo ciidankayaga ayaa is helay”.
Mr. Yuusuf Ottor, wuxuu carabka ku adkeeyay in Cidday doonto ha ahaato, ama meeshay doontoba ha ahaadeene cid kastoo arrintaas ka wada hadlaysa ay u sheegayaan in aannay aqbalayn weerarka qaawan iyo hadallada Djibouti kaga ymi ee gefka qaawan ku ah qarannimada iyo jiritaankaSomaliland, “cidna u daba fadhiisanmayno waannuna ku filan nahay xoraynta xuduudaha guud ahaan Somaliland inaannu ka difaacno cadow kasta” ayuu yidhi.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347