X
    Categories: Warar

Taliyaha Booliska Somaliland, Daba-gale Oo Ku Hanjabay In Aannay Aqbalayn Mudaharaadka Uu Ku Baaqay Guddoomiyaha WADDANI

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi Daba-gale,

Hargeysa(ANN)-Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi Daba-gale, ayaa si adag uga hadlay baaqa guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro ee ahaa inay taageerayaashiisu isugu soo baxaan maalinta beri xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa.


Sareeye guuto, Maxamed Sanqadhi oo warbaahinta la hadlay goor dhowayd, ayaa sheegay in aanay aqbalayn in la sameeyo isu soo bax, isagoo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, “Waxan horre u sheegay in aannu sharciga ku adkaan doono, lama arkin weli mudaharaad ka dhacay Somaliland oo inta badan najaxay, mid walba ka timi dhib iyo hawl, marka la doonayo in dad laysugu yeedho ee ummad ka kicinayo sharci ayay leedahay, mudaharaadku sharci ayuu leeyahay, waxaan sharci lahayna yeeli mayno.” ayuu yidhi. Taliyaha Booliska Somaliland.

Sareeye Guuto, Maxamed Sanqadhi, wuxuu ku sababeeyay diidmadaa mudaharaadka in dadku iyagoo wanaagsan ay kusoo dhuuman karaan dad xun, isla markaana ay dhex soconayaan wuxuu ku tilmaamay ujeedooyinkii laysugu yeedhay ee guracnaa, sidaa awgeed waxa uu sheegay in aanay aqbalayn in dhibaato kaga timaado halkaa dadka ganacsanaya ee bulshada Somaliland iyo dadka kale ee wanaagsanba oo sharci-daro laysugu yeedho kadibna ay Booliska is jiid-jidtaan, mana yeelayno oo waanu joojinay mudaharaadkaa, sababtoo ah waa sharci-daro, ayuu yidhi, Taliyaha Booliska Somaliland.


Sidoo kale, wuxuu Taliye Daba-gale sheegay in aanay aqbalayn in Nin Caruurtiisa Yurub geystay uu nollosha dadkaa ku ciyaaro, isagoo ku cel-celiyay in aanay aqbalayn Boolis ahaan mudaharaadka uu ku baaqay Guddoomiyaha WADDANI.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post